Mareykanka oo Weeraro Hor leh ku Qaaday Daacish

0
472

Saraakiisha difaaca ee dalka Mareykanka ayaa sheegay labadii maalmood ee u danbeeyey, in xoogagooda ay qaadeen laba weerar oo cirka ah, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo gawaadhi ay leeyihiin kooxda Daacish, oo marayey meel u dhow buuraha Sinjar ee ku yaala waqooyiga Ciraaq.
Sidoo kalana  Waxa  ay sheegeen in ay burburiyeen xarumo dagaal oo ay kooxda ku laheyd koonfur galbeed magaalada Baghdad.
Labada howlgal ayaa waxa ay yihiin kuwii ugu horeeyey oo ka qeyb ah qorshihii uu soo bandhigay madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, arbacadii aynu soo dhaafnay oo uu ku sheegay in uu ku weerarayo meel walba oo ay joogaan kooxda Khilaafada Islaamka.
Saraakiisha difaaca ee Mareykanka, ayaa weerarkan cirka ah ku tilmaamay mid ay ku balaadhinayaan masuuliyadoodii markii horaba aheyd in ay difaacaan muwaadiniinta Mareykanka ah, iyo bixinta gargaar bani’aadanimo.
Dhanka kale Mareykanka ayaa hoggaaminaya isbaheysiga soddon dal oo ballan qaaday in ay ka caawiyaan Baghdad, dib u riixida kooxda Daacish.

Leave a Reply