Fallaagada Yukrayn oo la iskugu daray Maamul hoosaad iyo Saamaxaad

0
435

Xildhibaanada baarlamaanka Ukrain ayaa ugu yaboohay xukun ismaamul qeybo ka mid aha labada gobo lee bariga iyo saamaxaad loo fidiyo fallaagada taabacsan Raashiya.

 Sharcigan ayaa saamaynaya gobollada Donetsk iyo  Luhansk, kuwaasi oo ay khusaysay xabbadjoojintii 5 September, inkasta oo ay cambaareeyeen xildhibaanada qaarkood.

 Dhinaca kale Raashiya ayaa sheegtay in loo baahan yahay in ay ciidamo ka soo buuxiso Crimea  oo ah dhul Yukrayn lahayd oo ay qabsatay Moosko bishii Maaris.
Fallaagada bariga ayaa la dagaalamaysay ciidamada Yukrayn tan iyo markii ay qabsadeen dhawr magaalo bishii Abril.
Ukrain iyo reer galbeedka ayaa ku eedeeyay Raashiya in aydabada ka riixayaan fallaagada gooni u goosadka ah, ayna siinayaan ciidamo iyo hub.

Leave a Reply