Boqolaal Tahriibayaal ah oo ku dhintay Badda Malta

0
483

Boqolaal qof oo haajiraya oo ka yimid Afrika iyo Bariga Dhexe oo isku dayayay inay tagaan  Yurub ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen maalmihii ugu danbeeyay.
Hayadda Caalamiga ee Dadka Haajira, ayaa sheegtay in ilaa shan boqol oo qof oo isku dayayay inay Talyaaniga tagaan  la aaminsan yahay inay dhinteen markiii doontooda ay ku go’doontay Malta agteeda.
laba qof oo badbaaday ayaa ku eedeynaya in doonta si kas ah ay u rogeen dadkii tahriibayaasha waday, kadib markii ay diideen in lagu wareejiyo doon kale oo yar.
Ciiidamada badda ee Libya ayaa sheegay in doon kale oo ay saarnaayeen tobanaan qof oo Afrikaan ah ay ku dhinteen badda Libya, markii doontoodii ay gadoontay iyadoo ay saarnaayeen laba boqol iyo konton qof.
 

Leave a Reply