Haweenay u Loogtay Nafteeda Raxan Yaxaasyo ah

0
419

Haweenay 65 jir ahayd ayaa nafteeda u tuurtay  raxan yaxaasyo ah kadib markii ay ku booday badhtamaha bahalahaasi oo ku jiray beer xayawaanka xamaaratada lagu hayo oo ku taal caasimada Bnagkok ee dalka Teyland, sidaasna waxa sheegay booliiska magaaladaasi.

Haweeynaydaasi oo la odhan jiray  Wanpen Inyai ayaa sida ay sheegeen goobjoogayaal ku booday haro beertaasi ku taal oo yaxaasyada lagu xanaaneeyo ee Samut Prakarn Crocodile Farm and Zoo.
Jariirada The Bangkok Post oo werisay dhacdadan ayaa sheegtay in ay shaqaalihii ku guuleysan waayeen in ay badbaadiyaan haweenayda iyaga oo isku dayay in ay ulo dhaadheer ku horjoogsadaan yaxaasyada.
 
Booliska oo dhimashada haweenaydaasi xaqiijiyay salaasadii ayaa sheegay in ay qoyskeedu ku wargeliyeen in ay qulubsanayd ka hor dhimashadeeda.
Dhacdadan ayaa lagu soo xasuustay mid la mid ahayd oo gabadhi sidaas oo kale nafteeda ugu tuurtay yaxaasyada sannadkii 2002, iyo mid kale oo ka sii horeysay toban sano.
 
Beertaasi ayaa ku sheegtay website-keeda in ay ku hayso halkaasi ilaa boqol kun oo yaxaas.

Leave a Reply