Maxaad ka taqaanaa 10 wadan ee carabta ugu awooda badan ciidan ahaan?

0
506

Wadanka saddexaad ee ugu awooda badan wadamada carabta ayaa waxa soo galay dalkaasi dagaaladu ragaadiyeen ee Suuriya,waxa kale oo ay ciidamada dalkaasi Suuriya noqdeen awooda 26 –naad ee caalamka ,iyaga oo dhowaanahan dagaalo adag kula jiray mucaaridka dalkaasi dawlada ka talisa la dagaalamaaya oo ah kuwo kala duwan.
Dadka dalkaasi Suuriya ayaa lagu sheegay inay yihiin tiro ahaan 20.8 million oo qof,waana tiro koobkii ugu dambeeyey ee lagu sameeyo dadkaasi,iyada oo tiro koobkan la sameeyey ka hor intii aanay dagaaladu ka qarxin dalkaasi Suuriya.
Ciidamada dalkaasi ayaa tiro ahaan lagu sheegay inay yihiin 304,000 oo askari,kuwaas oo dagaal yahano ah,halka ciidamada kaydka ah ee dalkaasina ay noqonayaan tiro ahaan 450,000 askari oo dagaal yahano ah,waana kuwo qaba tabobaro kala duwan ,waxa sidoo kalena lagu qiyaasay dadka u shaqeeya ciidamadaasi ee adeegyadda kala duwan u qabta inay gaadhaan tiro ahaan ilaa 9.93 million oo qof.
Tiradda taangiyada ciidamada dalkaasi ay lee yihiin ayaa lagu sheegay markii warbixinta lasoo bandhigaayey inay iyaguna gaadhayaan ilaa 4150 oo taangi ,kuwaas oo loo adeegsan karo qaabab kala duwan ,waana kuwo inta badan laga soo iibsaday dalalka Iran iyo Ruushka.
Gawaadhida ciidamada lagu daad gureeyo ee ay lee yihiin ciidamada dalkaasi Suuriya ayaa iyaguna gaadhaaya tiro ahaan ilaa 7940 gaadhi,waana kuwo aad u badan  marka loo eego wadamo badan,iyada oo diyaaradaha ay ciidamadu lee yihiina lagu sheegay inay gaadhayaan 695 diyaaradood ,kuwaas oo dhamaantoodba ah diyaaradaha dagaalka ee miigaga loo yaqaano.
Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopters-ka ayaa iyaguna gaadhaaya lambar ahaan ama tiro ahaan ilaa 176 diyaaradood oo kuwa kala duwan ee gumaatka u kaca iyo kuwa ciidamada lagu daabulo intaba ka kooban.
Ciidamada badda ee dalkaasi Suuriya ayaa iyaguna gaadhaaya ilaa 41 markab oo kuwa dagaalka ah ,mana aha kuwo aad u waaweyn,laakin waa kuwo ka adag ilaalada baddaha dalkaasi Suuriya,mana jiraan maraakiibta badda quusta oo ay dalkaasi lee yihiin.
Lacag aad u badan ayaa dawlada dalkaasi gelisaa ciidamada dalkaasi iyo difaaca dalka intaba ,waxaana lagu sheegay lacagta ciidamada iyo difaaca dalkaasi lagu bixiyo inay gaadho ilaa $2.5 billion.

Leave a Reply