Golaha Guurtida Oo Ansixiyay Xeerka Komishanka Dib U Habaynta Shuruucda

0
511

Hargeysa (Dawan)  – Fadhigii shalay ee golaha guurtida Somaliland oo uu shirgudoominaayay gudoomiyaha golaha guurtida mudane Saleebaan Maxamuud Aadan aya waxay cod ku ansixiyeen xeerka komishanka dib u habaynta shuruucda dalka.
Fadhigan ayaa waxa ka soo xaadiray 45- mudane oo ka mida 82-ka mudane ee uu ka kooban yahay golaha guurtidu.
Xeerkan lagu asaasayo komishanka dib u habaynta shuruucda ayaa ah mid baahi wayn loo qabo maadaama oo intii ay Somaliland jirtay aan dib u eegis lagu samayn shuruuda dalka oo qaarkood ay u baahan yihiin in la qabyo tiro laguna saleeyo baahida bulshada wakhtigan jooga.
Xildhibaanada golaha guurtida ayaa ka dooday xeerkan sida uu dhigaayo xeer hoosaadka golahaasi. Xeerkan asaaska komishanka dib u bahaynta shuruucda dalka  oo markani ay tahay markii labaad ee la horkeeno golaha guurtida ayaa waxa kaabis iyo waxka badal ku soo sameeyay guddi hoosaadka shuruucda ee golaha guurtida ka dibna u soo bandhigay gole waynaha iyagoo ka codsaday in ay ansixiyaan maadaama oo uu yahay xeer qaran ahaan loo baahan yahay.
In la ansixiyo xeerka asaaska komishanka dib u habaynta shuruucda ataa wax ogolaaday  41-mudane, waxa diiday 2-mudane, waxa diiday 1-mudane, gudoomiyhuna muucodayn. Sidaasna waxay xildhibaanada golaha guurtidu ku ansixiyeen xeerka asaaska komishanka dib u habayta shuruucda dalka oo ka koobnaan doona todoba xubnood.
Xeerkan ayaa waxa soo curisay xulumada waxaanuu dhaqan gali doonaa marka uu madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
 

Leave a Reply