Maxkamadda Rafcaanka Awdal oo Xukunno ku Ridday Laba Qof

0
383

Lawya-caddo(DAWAN)- Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Awdal, ayaa shalay xukun dil ah ku xukuntay nin lagu helay inuu qudha ka jaway muaadin, halka ay xorriyadisa u celisay nin kale oo ku eedaysnaa inuu fal kufsi ah ku kacay.
Dhegaysiga kiisaskan xukunkooda la go’aamiyey oo lagu qabtay xarunta Maxkamadda Gobolka ee Magaalada Lawya-caddo, waxa goob-jog ahaa Xeer-ilaaliyaha Guud ee Gobolka Awdal Cabdirisaaq Ibraahim Maxamuud iyo Qareenka u doodaayey eedaysanayaana.
Maxkamaddu markii ay dhegaysatay dacwadaas waxay go’aamisay in Axmed Nuur Dhimbiil lagu helay dambiga ah inuu qudha ka jaray Marxuum Xuseen Siraad Aaden, sidaa darteed lagu xukumay dil, balse waxa isla markiiba uu qareenka u doodaayey ku dhawaaqay inuu rafcaan qaatay, kuna dhawaaqay in aanu xukunkaas ku qanacsanayn.
Sidoo kale, Maxkamadda Gobolka Awdal waxay xorriyadiisa u celisay Cabdiqaadir Muumin Jaamac oo ku eedaysnaa fal kufsi ah, kadib markii lagu waayey eedaymihii loo haystay ee fal dambiyeedkaas al xidhiidhay .
By: Maxamed Cawaale Daahir

Leave a Reply