Guddigii Dhexdhexaadinta Khilaafkii SOLJA Iyo Hoggaanka Ururka Oo Eedo Isku Jeediyay

0
431

Hargaysa (Dawan): Guddidii dhex-dhexaadinta Khilaafkii Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Hoggaanka ururkaasi ayaa shalay warbaahinta isu mariyay eedo ay isku naqdiyeen.

Guddida Dhexdhexaadinta  Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa ku baaqay in shirweynaha 5-aad ee Ururka SOLJA la qabto wakhtigii ay hore u cayimeen guddida Qabanqaabada ee ururku oo u mudeeyey in shirweynuhu qabsoomo 24-ka illaa 25-ka Bisha aynu ku jirno.

Waxa kale oo ay Guddoomiyaha ururka SOLJA iyo Guddida Fulinta ee ururka ay ugu baaqeen in iyaga oo Danaynaya Danta Guud ee ururka ay shirwaynaha shanaad ku qabtaan wakhtigiisa.

Sidaasi waxa sheegay guddida dhexdhexaadinta oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Hoteelka Xaraf ee Magaalada Hargeysa, waxaana madashaasi ka hadlay Guddoomiyaha Gudida Xusseen Cali Nuur, iyo Agaasimaha telefiishanka HCTV Maxamed Cabdi Ilig oo xubin ka ah Guddida.

Guddoomiyaha Gudida dhexdhexaadinta Xusseen Cali Nuur oo ka hadlaya ujeedada ay shirka jaraa’id u qabteen waxa uu yidhi. “SOLJA waa ururka Suxufiyiinta Somaliland, manay ahayn in hawlaha ay hayaan  ay isku khilaafan guddida Fulinta iyo guddoomiyahoogu, waxa ayaan darro ahayd in khilaafkoodu uu noqdo mid soo ifbaxa, xili uu dhammaaday xiligii loo xilsaaray in hawshaasi inoo hayaan, guddida fulintu waxa uu ku amaanan yahay, in guddi dhexdhexaadineed  khilaafkii dhex yiilay ay ku dhameeyan sharciga ururka u yaalay,  isla markaan kalsooni buuxda ay siiyeen, waa markii ugu horreysay ayaan fillayaa khilaafad dalkan ka dhaca oo dadka xilka hayaa iskaga horyimaadan oo ay yidhahdaan ha loonogu dhameeyo sharciga nooyaala, waxa la odhan jiray qaabkii Somaliland aynu u dhameytirano, taasi may saameynin waana mid aad ku amaanan tihiin.”Ayuu yidhi.

Xuseen Cali Nuur isaga oo hadalkiisa sii wata wax auu yidhi. “Guddida Dhexdhexaadintu iyaga oo danaynaya kana mid ah ururka SOLJA may noqon qaar faraha kala baxa markii dhinacyada is-hayey ay heshiiyeen siddii caadada inoo ahayd umad ahaan, balse ay ogolaadeen in ay la socdaan hawlaha inta shirweynaha la qabanayo shirweynihii 5-aad ee ururka SOLJA, Gudida Fulinta iyo Guddoomiyahoogu waxay wadda jir u magacaabeen Guddi qabanqaabo, kuwaasi oo si wadda jir ah u saxeexay Ergadii ka qaybgali lahayd shirweynaha 5-aad ee SOLJA cida ay noqondoonan, hadaba maxaa ka dhashay arrinta? In yar ayay siyaasiyiin yara noqdeen oo waxa ka dhashay markii ay  saxeexeen  guddida Qabanqaabadu iyaga oo wadda jir ah Go’aanadii iyo qaabkii ergada loo soo xulayey, waxa dhacday saddex arrimood in 3 saddex Xubnood oo ka tirsan Guddida qabanqaabadu is casilaan, bal hawshoodii way dhameystirteen cuntadii way ka fuleene  faraxalkii uun baa u dhina, may faraxalan kariwaayin  ayey ka dhigan tahay, in guddoomiyaha ururka SOLJA kala dirro guddidii qabanqaabada, wakhti gudida xilka haysaa  oo wakhtigeedii  dhammaaday in mudda xiliga guddida fulintu uu kororsadaan  illaa bisha Feberweri 2015-ka may ahayn, waa guddi hawlihiisi fuliyey oo dhameystay wakhtoodii oo haddana yidhadaa wakhtigaanu  kororsanayaa, taasi waynu aragnay haddii siyaasiyiinta aynu la shaqeynayo wax baddan, laakiin Golayaasha waxa wakhtigooda la kordhiyaa had iyo jeer ama madaxweynihii hore wakhtigiisi la kordhiyey iyada oo wakhtigiisu uu xilka hayey aanu ka dhammaan, arrintaasi waxay noqotay oo guddida dhexdhexaadintu u aragtay, in aanay dan u ahayn suxufiyiinta da’da yar u baddan, ee dalka u shaqeynaysa iyo ururka Laf ahaantiisiba.”

“in Ergada hay’ad ahaan lagu soo magacaabo,  oo aan lagu dooranin  shakhsiyaad  waa sax sababta oo ah ururku muu lahayn xubin fulisay arrimihii looga baahnaa urur bulsho, Qof kali ah oo Suxufi ah ama ha ku jiro ururka ama ha ka maqnaado, ama guddi fulin ha ahaado, aanu jirin qof kali ah oo bixiyey lacagtii qaadhanka ee  2 Dollar ee bil kasta looga bahnaa, isla mar ahaan waxa kale oo soo baxday in hay’adaha laga soo doortay Laf ahaantooduba, iyaguna in anay bixinin qaadhankii laga rabay Hadaba Guddoomiyaha iyo Gudida Fulinta Xil hawloodkoodu dhamaday ma kordhisan karaan wakhtigooda, in guddoomiyaha iyo Guddida fulintu ay dhaqan ahaan ay leeyihiin awood hogaaminta ururka illaa la dooranayo cidii badali lahayd.” Ayuu yidhi Xuseen Cali Nuur.

Guddoomiyaha Gudida dhexdhexaadinta Xusseen Cali Nuur Waxa uu soo jeediyey Go’aanadan “sidaasi darteed gudida dhexdhexaadintu wuxu ku talinayaa oo go’aan ku gaadhay in Shirweynaha 5-aad ee SOLJA la qabto 24-ka illaa 25-ka Bishan aynu ku jirno, in shirweynuhu xeerka ururka haatan daldaloola badan leh uu go’aamiyo in dib u habey  buuxda lagu sameeyo sharciga oo sidda uu yahay maanta cidina aanay ku dhaqmi karayn, in xubinimada ururka lagu saleeyo Suxufiga ee aan lagu saleyn hay’ad uu ka tirsan yahay, in Gudoomiyaha iyo Gudida Fulintu, ay shirweynaha qabtaan xiligii aanu ku talinay iyaga oo danaynaya danta Guud ee ururka, Gudida dhexdhexaadintu waxa uu amaan Buuxda u jeedinayaa mudadii ay hayeen xilka ilaa dhamadkeedii sida ay uga soo baxeen wajibadkii sarnaa.”Ayuu yidhi.

“Guddida dhexdhexadiintu iyaga oo sii waddanaya xilkii iyagu isku xil qaameen inta shirweynaha shanaad ee ururka la qabanayo, anaga oo halkan ku cadeynayna in haatan karashkii shirka lagu qabanayey uu diyaar yahay oo la hayo in guddida fulinta iyo guddoomiyaha ururka SOLJA iyaga oo wadda jir ah danaynaya danta suxufiyiinta, danta guud iyo aayaha danbe ee ururkaasi leeyahay in shirka wakhtigiisa ku qabtaan.”  Ayuu yidhi Xuseen Cali Nuur.

Maxamed Cabdi Sheekh (Iligi) Agaasimaha telefiishanka HCTV kana mid ah Guddida Dhexdhexaadinta oo isaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay  ayaa sheegay in loo baahan yahay in shirweynaha wakhtigiisa la Qabto, waxanu hoosta ka xariiqay in cidda ururkan leh faa’idadiisa ay tahay dhalinyarada Da’yarta ee Suxufiyiinta Somaliland oo ah Hay’adii aqoontooda, dhaqaalahooda, iyo dhinca walba ka dhisi lahayd waxa uu sheegay in suxufiyiintu yihiin kuwa  ugu darajo hooseya ururada ka jiira Somaliland isaga oo sheegay in ay jirran ururo badan oo heer gaadhay halka ururkii suxufiyiintu fadhiid ka noqday waxqabadkiisuna ku soo koobmay  cambaareyn la cambaareeyo xadhiga  suxufiga, waxa uu sheegay in ururada caalamka ka jirra ee saxafiyiinta adduunku leeyiihin in aanu shakhsina suxufiyiinta Somaliland kaga jirin isaga oo nasiib darro iyo dib u dhac ku tilmaamay, waxa uu soo jeediyey in loo baahan yahay in ururka lagga dhigo mid la jaanqaada ururada kale ee dalka ka jirra, isla markaana uu noqdo  mid heer gaadha.

 Geesta kalena,Hogaanka Ururka Suxufiyiinta Somaliland  ee SOLJA ayaa si adag uga jawaabay hadal ka soo yeedhay gudidda dhexdhexaadinaysay  khilaafkii  hore uga dhex jiray hogaanka ururka.

Guddoomiyaha Ururka  SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, guddoomiye xigeenka  Maxamed Cabdi Curad, xoghayaha guud Maxamed Rashiid  Muxumed Faarax iyo xubno ka mid ah gudidda fulinta ee ururka SOLJA oo shalay warbaahinta kula hadlay xarunta ururka ee magaalada Hargeysa ayaa waxay sheegeen in aanay jirin wax shaqo ah oo  hogaanka ururka SOLJA loo igmaday , maadaama hogaanka ururku kala direen.

Xasan Maxamed Yuusuf Guddoomiyaha ururka SOLJA  ayaa   ku eedeeyay gudidii qaban qaabada inay ka talaabsadeen sharcigii ururka u yaalay, waxana uu yidhi “Odayaashii dhexdhexaadinta  aan u diranay annaga iyo gudida fulinta oo SOLJA ayaa is qabtay odayaashaasi waa ay na soo dhexgaleen annagoo markaa isku qabanay arrin sharciya oo ah magacaabista gudida qabanqaabadda iyo diyaarinta shirweynaha shanaad ee ururka SOLJA. Anigu maan jeclayn inan ka jawaab ka bixiyo odayaashaasi hadlay oo warbaahinta isu marino balse waa ay ka firsan wayday Soomaalida tidhaahda caw baan kaga fadhinay ee way naacaayeen iyo markii  odayaashaasi na dhexgaleen waanu  ajiibnay una daba fadhiisanay waxaanay na yidhaahdeen go’aamadaasi qaata  oo ku soo heshiiya arrinta aad isku khilaafteen markaa qoraalkii ay soo saareen kumay qornayn haysu tegina oo ha heshiinina.”

Xasan Maxamed Yuusuf oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waa arrintii ugu horaysay mudadaa 3 sano ee aanu soo wada shaqaynay gudida fulinta SOLJA, waa arrintii ugu horaysay ee dibada nooga baxda, oo aanu ku wadda hadalno.  Ninka yidhaahda ururka arrintiisu dibada umay bixin jirin Illaahay ayuu been u sheegay, aasaasayaashii ururka ka mid baan ahaa  ilaa shirweynihii ugu horeeyay ee lagu aasaasayna waan taagnaa.  cid igu xogogaalsanina  ma jirto, markaa aynu xaqiiqada ka hadalno.”

Xasan Maxamed Yuusuf waxa uu tilmaamay in gudida fulinta ee ururka SOLJA ay awood u leedahay  qabashadda shirweynaha, waxana uu yidhi “Gudidda qabanqaabada ee aanu magacwnay shaqaan u dirnay distoorka ururkuna waxa uu qorayaa in aanu u xilsaaranay haddaanu gudida fulinta nahay.Qabashada shirweynaha iyo hawlihiisa anagoo gudi idmanayna, hawshaasi waxaanay ahayd gudida qabanqaabadu inay sharciga ururka ku shaqeeyaan, laakiin gudidii sharcigii way ka baydheen.Anigoo guddoomiyihii ururka ah wali halkaasi ayay wax marayaan imay odhan. Waxa hunguriya oo igaga jira in aan ku soo noqdo SOLJA oo aan guddoomiye ka noqdaa in aanay jirin.”

 Waxa kale oo uu sheegay Xasan Maxamed Yuusuf   in ururka SOLJA ka dhigeen meel dadku wada leeyahay, ay wada leeyihiin suxufiyiinta Somaliland, waxana  uu sheegay  in aanay jirin wax shaqo ah oo wakhti  xaadirkan ay u hayaan ururka SOLJA gudidii qabanqaabda ee uu kala diray.

 Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna  waxa uu yidhi “SOLJA naga horaysay oo sidaa u qalabaysan oo akoonkeeda lacagi ku jirto oo kiradeea iska bixisa oo naga horaysay ma jirin, waxaanu nimid iyadoo dayni ka buuxdo  oo rahman, waxaanu ka dhignay meel dadku wada leeyahay, waxa aanu ka dhignay wax la daneeyo, oo jira oo shaqeeya. xubnahan gudida qaban qaabadu waxyi may ahayn anigaa magacaabay, imikana warqad gudida fulinta ay wada qoran yihiin oo 13 bisha aan warbaahinta u qaybiyay ayaan ku kala  diray, wax shaqa oo ay anaga noo hayaan ma jirto oo waxay ahaayeen shaqaale aanu shaqo u diranay waanan ka maaranay.”

By: Khadar M. Dhako

Leave a Reply