Wasiirka Daakhiliga Oo Ciidammadda Xeebaha Ku Bogaadiyay Maraakiib Soomaaliya u Kiraysnaa Oo Ay Baacsadeen

0
409

 Berbera (Dawan): Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland Cali Maxamed  Warancadde, ayaa ku hambalyeeyay ciidamada ilaalada xeebaha iyo difaaca badda Hawl-galkii  ay dhawaan ku baacsadeen maraakiib ku soo xadgudbay biyaha Somaliland, oo u kiraysnaa dalka Soomaaliya.

Cali Warancadde, oo hadal ka jeediyay kulan  shalay  lagu qabtay magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa ku amaanay ciidamadda difaaca badaha sidii ay isaga difaaceen weerar gardaro ah oo ay biyaha Somaliland dhawaan ku soo qaadeen maraakiib ruqsad ka haysta dawladda Xamar.

Kulankaasi ayaa waxa ka soo qaybgalay wasiirka arrimaha guddaha Cali Maxamed Waran Cadde,  taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Admirel Axed Aw Cismaan, Maamulka gobolka iyo ka degmadda ee Saaxil iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Daakhiliga Cali Warancade, oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in u jeedadda ay kulankaasi  u qabteen ay tahay   si uu ciidamadda ilaalada badaha ugu  hambalyeeyo  sidii fiicnayd ee ay dhawaan uga hor tegeen maraakiibtii ku soo xad-gudbay badda Somaliland.

waxaanu tilmaamay  Warancadde in ciidamadu ay mar kasta heegan ugu jiraan ilaalinta iyo difaaca baddaha Somaliland. waxaanu yidhi “Kulankani waxaanu u qabanay si aan idiin hambalyeeyo hawl-galkii  iyo dhoolo-tuskii aad samayseen maalintii dhawayd oo runtii mid aad iyo aad u qiimo badan ahaa, sidii aynu la soconay  cadawgeenii soo galay badeena, ee ku soo xad-gudbay biyaheena inay kabah ka yaaceen oo ay si degdeg ah uga baxeen meelihii ay ku soo gardaroodeen, aad iyo aad ayaan tallaabadaasi idinku hambalyaynayaa, idinkagana mahad naqayaa”.

 Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Admiral, Axmed Aw Cismaan, oo isna kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa ugu horayn  hambalyo balaadhan u jeediyay ciidamadda ilaaladda xeebaha oo uu sheegay in ay mar kasta heegan u yihiin difaacidda badaha.

waxaanu yidhi “Wasiir adiga oo beryahanba nala joogay si aad xog ogaal u noqoto aad ayaanu kaaga mahadnaqaynaa. Waxaan hambalyaynayaa ciidamadeena oo habeen iyo maalinba u soo jeeda ilaalinta badda dheer ee ay Jamhuuriyadda Somaliland leedahay, una diyaar ah sidii ay uga difaaci lahaayeen cadawgeena, xeebta balaadhan ee aynu leenahay. Iyada oo ay marka horeba ciidankeena difaaca baddu ay si wanaagsan u dhisnayeen, ayaa imikana waa la sii xoojiyay. Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa maamulka gobolka, ciidanku waa ciidan deegaanka ah, waa ciidan badeed”.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil oo isna halkaasi hadal ka jeediyay, waxa uu yidhi “Waxaan hambalyo u dirayaa ciidamadeena badda waajibaadka qaran ee ay gudanayaan runtii  ee ay mar walba diyaar u yihiin, waayo anagu ka gobol ahaan, waa tii aan idin lahaa waxaanaan garanaynin ayaa badda ka soo caaryay oo ciidanka u dira ayaan is-lahaa, sababta oo ah waa kuwa aan ku faano”.

 Ciidamadda difaaca badaha ee Somaliland ayaa todobaadkii hore waxay  dhirbaaxo kulul ku dhufteen maraakiib shisheeye oo u kiraysan ama ruqsado ka haysta dawladda Soomaaliya, kuwaasi oo ku soo xad-gudbay badaha Somaliland.

  By: Khadar Cabdi Muuse

Leave a Reply