Wiil sucuudi ah oo shabeel ku rabeeyey gurigiisa

0
528

Wiil u dhashay dalkaasi Sucuudiga ayaa markii ugu horeysay soo bandhigay shabeel uu gurigiisa ku koriyey isaga oo kazoo qaatay meel xayawaanka lagu xanaaneeyo ,iyada oo uu ku quudiyo gurigiisa,waana markii ugu horeysay laga soo daayo TV-yadda dalkaasi Sucuudiga,isaga oo kazoo baxay warbixin lagaga hadlayey xayawaanka.
Waxa uu wiilkani sidoo kalena  ku baahiyey sawirada iyo fiidyow uu iska duubay barta uu internet-ka ka isticmaalo ee Facebook-ga iyo Twiter-ka,isaga oo  soo duubay waqti uu cunto siinaayey,tan ayaana dadka ku noqotay mid la yaab ku ah,waxaanu siinaayey cunto ka samaysan sabaayad ,sidoo kalena waxa uu la fadhiyey dhalinyarro ay saaxiibo yihiin.
Shabeelkan ayaa u muuqda mid ka tirsan qoyskaasi,iyada oo aan hore looga garanayn ilaa loo fiirsado,waxaanay dad badan oo ka warbixiyey sheegeen inay tani muujinayso inuu shabeelku noqon karo rabaayad,tanina tusaale u tahay,waxaanay tilmaameen in aanay suurto gasheen inuu raashinkaasi siiyo shabeelkaasi wiilkaasi haddii aanu rabayn.
Wiilkan u dhashay dalkaasi Sucuudiga ayaa isaguna ka hadlay sida ay ugu suurto gashay inuu gacantiisa wax ku siiyo shabeelkan,isaga oo tilmaamay in aanay suurtogal noqonteen haddii aanu gurigan ku korin shabeelkan,korintaasina ay tahay ta u suurtogalisay inuu shabeelkan gacantiisa wax ku siiyo.

Leave a Reply