Jaamacadda Burco Oo Daraasad Cilmi Baadhiseed Ku Samaysay Digada Xoolaha Oo Loo Bedelo Dab, Tababarna Ku Siisay Shaqaalaha Hudheelada

0
431

Tababar ku saabsna habka loo isticmalo gaaska laga dhaliyo digadda xoolaha ee wax lagu kariyo oo Jaamacadd Burco daraasad balaadhan ku samaysay ayaa loo qabtay qaar ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya huteeladda waa wayn ee magaaladda Burco.
Tababarkan, oo lagu qabtay huteel City Plaza ayaa waxa ka soo qayb galay badhasaabka gobolka Togdheer, Maamulka Jaamacadda Burco iyo Marti sharaf badan aya ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, isagoo soo dhaweeyay tababarkan, sheegay in uu yahay mid faa’ido u leh ummadda Somaliland,taas oo lagaga kaaftoomi doona isticmaalka dhuxusha .”waxaan ummada reer Somaliland ugu bushaareynayaa in jaamacada Burco ay howl in badan 50% laga kaaftoomi karo dhuxushii faraha badnayd iyo dhirteenii ay gumaadeynay ay ku nasan karaan kuwaasi in maanta ay halkan noo soo bandhigeen, waxaanan rajeynayaa in barnaamijkan halkaa iskutaagi doonin ee cidii waday ka sii ambaqaadi doono. Ayuu yidhi badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye
Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadd Burco, Cali Maxamed Cilmi (Cali Xaydaro), oo furutaankii aqoon kordhsigan ka hadlay ayaa sharxaad ka bixiyaydaraasada ay soo bandhigeen marxalidiihii kala duwanaa ee ay la soomartay waxaanu yidhi isaga oo arrimahasi ka hadlaya “waxaa anaga oo jaamacada Burco howlahan ka shaqeynin ayaanu u badheedhnay oo nidhi anaga ayaa mashruucaas fulinayna, waxay naga ahayd ku dhiirasho iyo ku dhac aqoonse u maanaan lahyn gaara dabadeedto meel aanu galno iyo internet waxaanu isku keen keeno iyo qalab wixii meelaha kale aaanu ka helno maanta waa idinka arkaya halka uu marayo waxa aanu samaynay waa wax (local) gudaheena aynu ku samaysanay haday haanta tahay haday ta lagu shubayo digada tahay, haday ta daboolaysa ee gasta haynaysa tahay, haday tahay tuubooyinka qaadaya”.
Maamulaha Kulliyadda Xanaanadda xoolaha ee Jaamacadda Burco  Xamse Jibriil, oo furitaankii tabarkaasi ka hadalay ayaa ka waramay sababihii ku kalifay inay sameeyaan daraasadan, waxaa hadakii ku yidhi “Jaamacadd Burco, waxay markii ugu horeysay samaysay (experiment) tijaabo ayay sameysay Jaamacadd gudaheeda ku samaysay bal in fikradan la sheegayo in (bay gas) lasameeyo digada gaas laga sameeyo dabadeeto waxaan aragnay in dab soo baxayo markii dabku noo soo baxay ayaa hamadayadii kor u kacday markaas ayaanu bilownay inaan wixii kordhino illaa aanu u samaynay labadan hudheel ee Golis & Palaza. Waxay noqotay in iyagu adeegsadaan oo laba casho tabar siino shaqaalaha laba hudheel”.
Xildhibaan Cabdi Lucky ayaa iagyna ka warbixiye muhiimadda iyo waxtarka balaadhan in dab laga dhaliyo digada u leedahay Bulshadda Reer Somaliland. Waxaanu yidhi“anagu ka gole degaan ahaan waxaan u taagan nahay dhaqalaaha hurmarinta degmada islamarkaan u doornay mashruucyo faa’iido u leh”
Tababarkan oo soconaayey muddo laba cisho  ayaa waxa kala ka hadlay masuuliyiin iyo marti sharaf kala duwan kuwaaso Jaamacadda Burco ku Amaanay  dedaalka wacan ee ay samaysay.
Jaamacadda Burco kuma koobna wax dhigista oo kaliya balse waxay dedaal ugu jirtaa daraasad cilmi baadhiseed oo ay tii u horeysay ay ku guulaystay ,iyadoo digada xoolaha ka dhaliyey gaas laga dhigto dab.
 

Leave a Reply