“Jabuuti iyo Itoobiya Waa Dariiqa aynu u Marayno Wada Shaqayn Aynu La Yeelano Xidhiidhka Bariga Iyo Badhtamaha Afrika”

0
428

Hargeysa(Dawan):- Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubbadda Cagta Somaliland Cabdilaahi Khayre Cawaale (Gacal),ayaa ka war-bixiyay kulan ay wada yeesheen xidhiidhka kubbadda Cagta dalka Jabuuti oo booqasho ku yimi  dalka iyo wada shaqayn u bilaabantay xidhiidhada labada dal.Waxakale oo uu ka hadlay  tallaabooyinka ay qaadeen iyo waxyaabaha u qorshaysan ee ay doonayaan in ay ku tallaabsadaan mustaqbalka dhow.

Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagtu waxa uu sheegay in dhawaan garoonka Hargeysa Stadium la dhigi doono roog doog ah isla markaana uu noqon doono Garoon caalami ah oo ay ku hammiyaan in ay kooxaha dalka oo dhami ay ku ciyaaraan.

Guddoomiye Gacal  waxaa uu sidaa ku sheegay  waraysi gaar ah oo uu Xarunta Wargeyska  DAWAN,  ku siiyay mar uu xalay nagu soo booqday Xarunta Wargeyska ee magaaladda Hargeysa.

Ugu Horrayn Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubbadda Cagta Somaliland oo aanu weydiinay soddon kooxood oo heerka labaad ah oo ay ugu dhawaaqeen in ay yeelanayso Caasimadda Hargeysa waxa ay kaga duwanaan doonaan kooxihii hore iyo sida ay uga hor tegayaan in kooxahaasi ay noqdaan sida in badan dhacda in ay maalintiina wada ciyaaraan habeenkiina ay is dilaan,waxaanu yidhi  “Horta marka koowaad waxaanu sidan u yeelay ee aanu soddonka kooxood ugu samaynay in aanu kooxaha caasimadda tayayno  oo aanu hoosta ka soo dhisno oo aanu ku dedaalno in  la helo kooxo darajooyin kala heer ah oo kala leh A,B,C,D markaa markii hore kooxaha heerka koowaad way inoo samaysnaayeen laakiin kooxaha kale wali imika ka hor kooxaha heerka labaad hoosta lagama soo dhisin imikase waxaan ku tallaabsanay oo noo suura gashay in aanu soo dhisno.

 Haddii aan u soo noqdo jawaabta su’aasha ah maxaad kaga hor tegaysaan in kooxo is dila aad soo saartaan waxaan qabaa taasi way jirtaa oo waa dhitaabo jirta una baahan in wada jir wax looga wada qabto oo dhammaan laga wada hawl galo laakiin kalidayo kama qaban karno waxaanse diyaar u nahay in aanu soo afjarno in ay dhibaato ka dhex dhacdo kooxaha taana waxaanu ku suura galinaynaa in aanu ku dhaqno xeerka u yaalla xidhiidhka kubbadda cagta Somaliland oo aanu diyaarinay.”

Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubbadda Cagta oo aanu weydiinay waxa uga qorshaysan in ay gobolada kaga hawl galayaan,waxaanu ku jawaabay “Gobolada waxaanu doonaynaa in aanu ka soo samayno Guddiyo  farsamo oo ka koobnaan doona tababarayaal iyo garsoorayaal,  kuwaas oo imikaba jira isla markaana toos wasaaradda uga mid ah laakiin aanu doonayno in ay xidhiidhka Kubbadda cagta wax badan ka wada shaqeeyaan oo ay wada dhaqaajiyaan ciyaaraha kubbadda cagta Somaliland.”

Guddoomiye Gacal oo la weydiiyay qorshahooda la xidhiidha horumarinta garoomadda ciyaaraha, waxa uu yidhi “Waxaanu dooaynaa in ay koox kasta oo ka mid ah heerka koowaad horta ay garoon u gaar ah oo ay ku tababarato ay yeelato,waxaa kale oo noo qorshaysan in aanu Wasaaradda Ciyaaraha iyo Xidhiidhku in ay ka wada hawl galaan 12 garoon oo uu Maayarkii hore ee Caasimaddu  Eng. Jiciir  ku wareejiyay Wasaaradda in aanu habayno oo ay kooxuhu yeeshaan garoomo.

Waxaa kale oo noo qorshaysan in aanu tartankii naadiyada heerka labaad ee caasimadda aanu qabanno oo ay soddonka kooxood ee soo baxay  ay ka soo baxaan illaa 24 kooxood oo kala ah B,C iyo D,taana waxaanu uga jeednaa in ay yimaadaan naadiyo tayo leh oo ciyaaraha kubbadda cagta wax ka tari kara isla markaana ay dhalinyaradu ku soo dhiiran karto. Waxaa kale oo intaa dheer in aanu wadno qorshihii doog lagu dhigi lahaa garoonka kubbadda cagta ee Hargeysa Stadium taasina waxy keenaysaa in la xidho oo aanu iska furnaan isla markaana waxaa dhici doonta in koox kastaaba ay ku  dedaasho in ay ku ciyaarto garoonka doogga leh oo lagu daawado taasina waxay u xidhnaan doontaa akhlaaqda kooxda iyo tayadooda ciyaareed hadba sida ay u hore mariyaan.”

Guddoomiye Gacal oo aanu weydiinay in ay wada shaqayn leeyihiin xidhiidhada bariga iyo badhtamaha Afrika, ka Afrika iyo ka guud ee FIFA,waxa uu kaga hal-celiyay “Horta Somaliland wali caalamka aqoonsi kamaynaan helin, wax xidhiidh ahna lamaynaan samayn xidhiidhada oo wali caalamku inama aqoonsan,  laakiin imika waxaanu marti qaadnay oo halkan noogu yimi madaxda xidhiidhka kubbadda cagta ee dalka Jabuuti,wax badana waanu ka wada hadalnay waxaanan dhawaan u kicitimaynaa dalka Jabuuti,  annagoo doonayna in ay dalalka Jabuuti iyo Itoobiya in ay noqdaan dariiqa aynu u marayno xidhiidhka SACAFA ee bariga iyo badhtamaha Afrika oo ah ka ugu horreeya ee aynu ka midka nahay intaa kadibna waxaanu qoraal rasmi ah u diraynaa xidhiidhka kubbadda cagta ee Qaaradda Afrika oo aanu doonayno in ay sigaar ah ula shaqeeyaan xidhiihdka kubbadda cagta ee Somaliland.”
https://ssl.gstatic.com/ui/v1/icons/mail/images/cleardot.gif

By: Faysal Weerar(Afgaab)

Leave a Reply