Sawir qaade Ingiriis ah oo sheegay inuu arkay bahal cusub oo khatar ah

0
452

Sawir qaade u dhashay dalkaasi Ingiriiska ayaa sheegay inuu arkay bahal cusub oo aan hore loo arag,kaas oo uu sheegay inuu ku arkay badda lagu magcaabo Loch Ness,sawirkan oo uu ka qaaday badaasi oo ku taala Scotland ayaa ah mid aan si fiican u muuqan,iyada oo aan xataa la arki Karin meel lagu tilmaamo inuu bahal ku nool yahay,inkasta oo hore loo rumaysnaa inay jiraan waxyaalo khatar ah oo halkaasi ku nooli.
Sawir qaadahan ayaa sheegay in bahalkani yahay mid ka yimid  koonfurta Scotland,iyada oo ay jirtay sida uu sheegay sawiro uu hore u tusay uguna daabacay kuwo kamid ah warbaahinta reer galbeedka,kuwaas oo ahaa sawiro uu qaaday nin lagu magcaabo James Abdon,waxaanu sawiradaasi ka qaaday xeebta lagu magcaabo Gacanka Windermere,kaas oo ku yaala Cambria .
Waxaanu tilmaamay inuu ka muuqdo sawirkaasi meelo waxyaalo lamid ah bahalka loo yaqaano Bidinassour ku ay quusayaan biyaha dhexdooda,iyaga oo u soconaaya si raaco leh.
Waxaanu sawir qaadahani  sheegay in wixii uu arkay bilawgii hore uu ahaa wax sidii shimbir weyn oo kale ah,waxaanu sheegay inuu rumaysan yahay inuu waxani ka weynaa shimbir kasta oo uu hore u arkay.
Sawir qaadahan ayaa ahaa mid muddo halkaasi ku maqnaa ,isaga oo u tegey sidii uu macluumaad uga soo ururin lahaa ,sidoo kalena waxa dhinac socday socdaalkiisa dalxiis uu ku doonaayey inuu halkaasi kusoo maro,waxaanay sheekadani noqotay mid aad looga hadal hayey toddobaadkan ugu dambeeyey dalkaasi Ingiriiska ,gaar ahaana Scotland.

Leave a Reply