Ciyaartoy ka mid ahaa Masaaricadda iyo Feedhadhka dalkaasi Australia oo ku biiray Daacish

0
446

Saddex kamid ah ciyaartoyda dalkaasi Australia ka ciyaara Masaaricada iyo Feedh feedhka ayaa ku biiray kooxda Daacish,iyaga oo soo bandhigay sawiro muujinaaya iyaga oo madaxyo ay dad ka jareen ,sidoo kalena soo bandhigay gawaadhi ay lee yihiin ciidamada dalkaasi Ciraaq iyo Suuriya oo ay gacanta ku dhigeen,kuwaas oo ah noocyadda lagu farsameeyo dalkaasi Maraykanka.
Laba kamid ah ragan ayaa ah kuwii ugu muhiimsanaa ciyaarahaasi feedh feedhka ,sidoo kalena waxa kamid ah nin caan ku ahaa Masaaricada  lagu ciyaaro dalkaasi Australia.
Ninka ugu caansan uguna weyn ayaa lagu magcaabaa Maxamed Cumar halka ka kalena yahay walaalkiis oo lagu magcaabo Axmed Cumar,waxa kale oo weheliya nin ay saaxiib yihiin oo isna lagu magcaabo Khaalid Shariif ,waana ninka masaaricadda ciyaari jiray,waxaanay nimankaasi go’aansadeen inay ka tagaan dalkaasi iyo mihnadii ay hayeenba ,iyaga oo dalalka Suuriya iyo Ciraaq u aadey inay ka dhinac dagaalamaan ururka Daacish.
Waxaanay ciyaaraha feedh feedhka ku biireen labada nine e walaalaha ahi waa Maxamed Cumar iyo Axmed Cumar ee sannadkii 2005-tii,iyada oo uu ka warbixiyey tabobarohoodii oo lagu magcaabo Mdrihma Billy Zoom ,waxaanu yidhi isaga oo ka hadlaaya labadan nin “labadan wiil waxay ahaayeen laba nin oo aad uga adag shaqadooda,mana jirto maalin keliyaata oo ay ka maqnaadeen tabobarkooda,mana jirto mar keliyaata oo la jebiyey intay ciyaartaasi ciyaarayeen”.
Sidoo kalena waxa warbixin ka qortay jariirada lagu magcaabo Daily Mail,waxaanay waraysi la yeesheen waalidiintoodii,iyaga oo ka hadlaya waalidkoodiina waxay yidhaahdeen “caruurtayaddii maanta way naga tageen,waxaanay noqonaysaa inay jihaad doonka ku biireen ama inay noqdeen kooxaha ka ganacsada Mukhadaraadka”.
Waxaanay waalidkoodu ku tilmaameen siday jariiradaasi sheegtay kuwo jihaadiyiin ah ,iyaga oo sheegay inay markii horeba noloshooda kazoo bilaabeen meel hoose oo eber ah ilaa ay gaadheen meel sare oo ay millions lacag ah yeesheen,taasna ay ku kasbadeen xirfadooda.
Ninka saddexaad ayaa ah Khaalid Shariif ,kaas oo isna caan ku ahaa ciyaarahaasi Masaaricadda,waana nin taajir ah isaga oo leh meelo kala duwan oo dhismeyaal ah ,sidoo kalena leh maal badan ,waxaanu ganacsiyo kala duwan ku lee yahay dalkaasi Australia,marka laga yimaado ganacsiyadda waxa uu ku shaqaysan jiray mihnadan Masaaricadda.
Nimankan ayaa markeliyaata la waayey ,iyada oo ay kazoo muuqan waayeen meelaha lagu ciyaaro iyo meelihii lagu yaqaaney intaba,waxaana dib loo eegay socdaaladoodii ,kuwaas oo ay markii dambe xaqiijiyeen laamaha dembi baadhista dalkaasi Australia inay ku biireen kooxaha u dagaalamaya dawlada Islaamiga ah ee uu hormuudka u yahay ururka Daacish.
Waxaanay warbixintaasi kadib kazoo bexeen wararka iyaga oo gacmaha ku sida madaxyo ay jar jareen,waxaanay ciidamada dalkaasi Australia markii dambe gacanta ku dhigeen gabadha uu qabey Maxamed Cumar oo da’deedu tahay 29 jir,iyada oo diyaarad u raacaysay dalkaasi Malaysia,waxaana laga qabtay madaarka Sedney ,waxaanay gacanta ugu dambayntii u gashay ciidamada la dagaalanka argagixisada dalkaasi Australia.

Leave a Reply