Shirkadda Microsoft oo soo bandhigaysa windows 9

0
438

Shirkadda Microsoft ayaa sheegtay inay doonayso inay suuqa soo geliso windows 9 oo ay dhowaanahanba wadey,iyada oo doonaysa inuu noqdo noocani mid kii hore ka duwan ,kaas oo si fudud ula qabsanaaya operating system-ka computer-ka,iyada oo shirkaddani kaga dhawaaqday magaalada San Francisco .
Waxaanay shirkaddani markii ugu horeysay warsaxaafadeed kooban u dirtay warbaahinta kala duwan ,sidoo kalena shirkaddaha waaweyn ee aadka u isticmaala ayay shirkaddu siisay qaybo kamid ah Windows 9 oo ay u siisay tijaabo ahaan,waxaanay doonaysaa in la soo tijaabiyey ka hor intaan suuqyadda caalamka lagu soo deyn.
Waxay sidoo kalena siisay Videos iyo sawiro kale oo muujinaaya habka loo isticmaalaayo,iyada oo kusoo dartay qaybo cusub Program-kaasi,waxaanay waxyaalo kala duwan ka bedeshay meelaha laga tago ee Start-ta ah ,sidoo kalena waxyaalo kale oo cusub ayay kusoo dartay qaababka uu yeelanaayo Desktop-ka computer-ka lagu shubaa,iyada oo sidoo kalena ay ku jirto qayb digniino bixinaysaa.
Shirkadda ayaa sheegtay inay diyaarinayso Windows 9-kan oo isaga loo adeegsan karo Iphone mobile-ka ,sidoo kalena taleefanada kale ee gacanta lagu qaato ayaa noqonaaya kuwo loo isticmaali karo,iyada oo uu saacidi doono Program-kan cusub ee Windows 9-ku in loogu isticmaalo taleefanka gacanta ee casriga ah sida computer-ka oo kale.
Waxaanay sheegeen inay ku dedaalayaan inay waxyaalo badan oo aanay iminka shaacin kusoo kordhiyaan inta aanay suuqyadda sida caadiga ah ugu soo deyn,sidoo kalena ay urursan doonaan waxyaala kaga soo noqda cenjeladaha uu ku jiro Program-kani ee ay tijaabo ahaanta u siiyeen shirkaddaha .
 

Leave a Reply