Maxaa aad ka taqaanaa 10 wadan ee carabta ugu awooda badan ciidan ahaan?

0
481

5: Jasaa’ir
Ciidamada dalkaasi Jasaa’ir ayaa noqday kuwa shanaad ee ugu awooda badan wadamada Carabta,iyaga oo kamid ah ciidamada dalalka Afrika laftooda ugu awooda badan,inkasta oo aan la sheegin halka ay kaga jiraan awooda Afrika,haddana awooda ay ku yimaadeen wadanka shanaad ee wadamada Carabta ayaa ka dhigan inay noqon karaan wadanka Saddexad ee Qaaradan Afrika ugu awooda badan dhanka ciidamada.
Sidoo kalena ciidamada dalkaasi Jasaa’ir ayaa noqday ciidamada 31 ee caalamka ugu awooda badan,iyada oo laga eegay dhinacyo kala duwan ,mana jiro ilaa hadda dagaalo cad oo ay galeen ,sida dagaalada ay ku jiraan kuwa dalkaasi Suuriya iyo Ciraaq oo kale,sidoo kale waxa yaraa dagaalada ay hore uga soo qayb qaateen,
Dadka dalkaasi Jasaa’ir ayaa lagu qiyaasaa inay yihiin tiro ahaa 37.3 Million oo qof,waana tiro koobkii ugu dambeeyey ee dadka dalkaasi lagu sameeyo,waana mid kamid ah wadamada carbeed ee ku yaala qaarada Afrika.
Ciidamada dalkaasi Jasaa’ir ayaa lagu sheegaa inay gaadhaan tiro ahaan ilaa 127,000 askari oo dagaal yahano ah,waana kuwa loogu talo galay hawlgalada haddana shaqeeya,kumana jiraan kuwa kaydka ahi.
Ciidamada kaydka ah ee dalkaasi ayaa iyaguna tiro ahaan noqonaaya  tiro dhan 150,000 oo askari ,kuwaas oo aan la hawl gelin ilaa loo baahdo mooyaane,waana kuwo aan la aqoon dadkoodana iska dhex jira,waanay adag tahay sida lagu gartaa askarta kamidka ah ciidamada kaydka dalkaasi .
Dadka u shaqeeya ciidamada dalkaasi una qabta adeegyadda kala duwan ayaa iyaguna tiro ahaan noqonaaya 18 million oo qof ,kuwaas oo mid waliba qabto shaqo gaar ah,mana aha kuwo goob keliyaata ka wada shaqeeya ee waa kuwo meelo kala gedisan ka shaqeeya.
Taangiyadda ciidamada dalkaasi Jasaa’ir ayaa iyagana lagu qiyaasaa inay gaadhaan tiro ahaan 1,050 taangi,kuwaas oo aan hore loo isticmaalin ,sidoo kalena aan weli la isticmaalin ,marka laga reebo dhoola tusyada iyo xusaska oo lasoo saaro mooyaane.
Gawaadhida ciidamada lagu qaado ayaa iyaguna noqonaaya kuwo tiro ahaan dhan 1,800 oo gaadhi,waana kuwo aad u badan iyaga laftoodu,waxaanay kala mid yihiin dhinaca aragtida iyo isticmaalka ciidamada kale ee dalkaasi ,mana aha kuwo la yaala arko ama markasta la arko,sidoo kalena diyaaradaha dagaalka ee dalkaasi ,gaar ahaana kuwa miigaga ah ayaa lagu sheegaa inay gaadhaan tiro ahaan 409 diyaaradood oo miigag ah.
Diyaaradaha helicopters ka loo yaqaano ayaa iyaguna ah kuwo gaadha 136 diyaaradood,kuwaas oo ciidamada dalkaasi u adeegsadaan siyaalo kala duwan ,waana kuwo ka caawiya gaadhitaanka meelo aad u kala durugsan,waxaana inta badan ka caawiya dalkaasi Faransiiska oo ay kazoo iibsadaan .
Maraakiibta badda ee ay isticmaalaan ciidamada badda dalkaasi ayaa iyaguna ah kuwo gaadha ilaa 29 markab oo kuwa yar yar ah,waana kuwo ay kazoo iibsadeen dalkaasi Faransiiska,iyaga oo aan ahayn kuwo aad u waaweyn,waxa kale oo jira saddex kamid maraakiibta badda quusta oo ay lee dahay dawladaasi .
Lacagta lagu bixiyo difaaca dalkaasi oo ay ciidamada dalkaasi ugu horeeyaan ayaa gaadhaaya $8.1 billion oo dollar-ka Maraykanka ah,waana lacag badan lacagta ku baxda difaacu.

Leave a Reply