Gudoomiye Cirro Oo Dhaqaale Ku Bixiyay Olole Lagaga Soo Horjeedo Diiwaan-gelinta Madaniga ah

0
433

HARGEYSA (DAWAN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland ahna Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Mudane C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi  (Cirro) ayaa olole xoog leh ugu jira inuu beesha uu ka soo jeedo ku booriyo inay soo saaraan baaqyo ay ku diidan yihiin in  deegaamadooda laga qabto diiwaan-gelinta madaniga ah ee lagu wado inay dalka ka dhacdo dhawaan.
Guddoomiye Cirro ayaa maalmihii u dambeeyay,  waxa  Gurigiisa ka socday shirar kala duwan oo uu la yeelanayay odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beeshiisa oo uu ka codsaday  inay  mawqifyo  adag iska taagaan diiwaan-gelinta madaniga oo aanay ogolaanin inay bulshadu  qaadato kaadhka jinsiyadda oo uu u arko inay tahay olole xukuumadda cimri dherer kaga dhiganayso oo ay dib ugu riixayso doorashooyinka kal-dambe lagu wado inay wadanka ka dhacaan.
Baaqyo  salka ku haya shir doceedyadda  Guddoomiye Cirro abaabulay,  ayaa laga soo saaray  magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, waxaanay sheegeen inaanay aqbalaynin hirgelinta diiwaan-gelinta madaniga ah illaa ay ka ogolaanayaan xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID.
Waxa kale oo uu Guddoomiyaha WADDANI Qorsheeyay in maalmaha soo socda bayaanno lagu diidan yahay diiwaan-gelinta madaniga ah laga soo kala saaro goboladda Togdheer, Daad-madheedh iyo Saaxil, waxaanu arrintaasi ku bixiyay juhdi badan iyo dhaqaale buuran  oo uu ugu tallo-galay inuu ku kala dhantaalo qorshaha qaran ee dalka lagaga hirgelinayo diiwaan-gelinta madaniga ah oo ah hindise dadweynaha Somaliland u guuxeen.
Geesta kale, waxa maanta oo Sabti ah lagu wadaa in Golaha wakiiladda ay ka furanto dooda xeerka diiwaan-gelinta madaniga ah, ka dib markii Mudaneyaasha aqalkaasi ay Guddoomiye C/Raxmaan Cirro ku sanduleeyeen inuu  Golaha horkeenno xeerkan muhiimka ah, haddii kalena ay Golaha horkeeni doonaan mooshin ay xilka kaga qaadayaan. Arrintaasi oo sababtay in Gudodoomiyuhu wax ka bedallo mawqifkiisii hore ee isaga iyo xisbigiisuba ay kaga soo horjeedaan diiwaan-gelinta madaniga ah. waxaanu fadhigii Salaasadii toddobaadkii hore ee wakiiladda ka sheegay in dooda xeerkaasi ay si rasmi ah u bilaabmi doonto Sabtida maanta ah.

Leave a Reply