Saacad Kasta Gaadhi Ayaa La Xadaa, Lamana Helo

0
422

Tiro koobyo la soo saaray ayaa cadeeyay in dalka Sacuudiga saacad kasta in la xadidda baabuurta. Waxaanaa warbixintu intaasi ku dartay in baaburta la xado aanay ciidamada amaanku  ay soo helaan oo keliya 45%, taasi oo ka dhacda gobolada dalka oo dhan.
Warbixintan oo ay daabcaday wargeyska kuliyom Khamiista, waxay soo xignaysay warbixino laga helay dhinaca booliiska.
Magaalada Riyad ayaa noqotay tan ugu badan  tuugada baabuurta.  Waxaa la shaaciyay in 4000 oo tuugo baabuur ahi ay ka dheceen sanadkan Riyad dhexdeeda, iyadoo la soo helay oo keliya kal badh magalaada Riyad.  Gobolada kale ayaa iyana ay ka dhacday tuugo gaadhaysa 9000 Gaadhi laakiin in kayar kala badh dib ciidamada amaanku usoo heleen.

Leave a Reply