Yagleelida Ganacsi Waara

0
535

Inaad bilowdid ganacsi waa go’aan weyn. Haddii aanad waligaa hadda ka hor yeelan ganacsi, waxa laga yaabaa in nanad wax aqoon ah u waxyaabaha kaa caawin kara inuu ganacsigaagaasi noqdo mid guulaysta mustaqbalna. Inaad qorshaysid ku talagalkaaga mustaqbalka oo ay ku dheehantahay  taxadir daraasado aad samaysay ayaa kuu sahli kara dhabaha guusha ganacsigaaga.
Qoritaanka qorshe ganacsi oo dhameystiran ayaa ah talaabada ugu horeysa marka la bilaabayo ganacsi. Qorshahaaga ganacsi waa uu:
Qorshahaaga ganacsi wuxuu ku hagi doonaa marka aad ganacsigaaga dhab ka dhigaysid.
Wuxuu Qorshahaaga ganacsi kaa caawin doonaa inaad ka baxsatid khaladaad kharash badan.
Wuxuu Qorshahaaga ganacsi kaa gargaari doonaa inaad dhaqaale ahaan is diyaarisid, haddii aad ku talogashay inaad adigu maalgalisid ganacsigaaga iyo haddii aad ku talogashay inaad cid kale ka heshid maalgalin.
Wuxuu Qorshahaaga ganacsi kaa caawin doonaa inaad heshid kalsoonida dadka kale ee laga yaabo inay xiiseynayaan ganacsigaaga, sida shuraako, mulkiileyaal dhisme, iyo alaab-keeneyaal.
Qaybta ugu qiimo badan qorshe ganacsi waa aqoonta aad heshid marka aad sameysid daraasad oo aad qortid
Daraasad lagu sameeyo mihnadaada ama nooca ganacsiga aad rabtid.
Marag-kac ku saabsan baahida loo qabo alaabtaada ama adeeggaaga.
Sharaxaad ku saabsan suuqa hadafkaagu yahay (suurad macmiil).
Xajmiga suuqa (fiirin lagu sameeyo tiro-koobka dadka aagga iyo horumarka mihnadaada).
Cidda kula tartamaysa iyo sababta ay dadku u dooran doonaan alaabtaada ama adeeggaaga halka ay ka dooran lahaayeen kuwa cidda kula tartamaysa.
Qiyaasta xajmiga ama tirada iibka iyo dakhliga.
Qorshe Suuq-geyn
Marka aad garatid macmiilkaaga, waxa aad u baahan doontaa inaad sharaxdid sidii aad macaamiisha uga dhigi lahayd kuwo iibsada alaabtaada ama adeeggaaga.
Qorshe Shaqaale
Badi ganacsiyada cusub waxay bilaabmaan iyaga oo yar ka dibna way koraan. Marka aad qoratid shaqaale, lahaanshaha shaqaale leh aqoon iyo farsamooyin sax ku ah ganacsigaaga waxay muhiim u noqon doontaa ganacsigaaga. Waxa jira illo kaa gargaari doona qorsheynta shaqaalaha, waxana ku jira Workforce Explorer.
Shaqaaleyntu waa aag leh sharci badan, waxana ku jira mushaharka ugu yar, mushaharka saacadaha dheeraadka ah, shaqaaleynta caruurta aan qaangaadhin iyo xubnaha qoyska, amaanka goob shaqo, iwm.
Isticmaalka qandaraasleyaal xor ah (contractors) waa aag badanaa khalad laga fahmo. Guud ahaan, sharciga gobolka iyo federalku waxa uu rabaa in qofka loola dhaqmo sida shaqaale haddii aanay jirin qodobadan:
Waa inuu si dhab ah naftiisa ugu jiraa ganacsi.
Waa inuu leeyahay ruqso ama liisan oo uu si firfircoon u suuqgeeyo adeegyadiisa.
Waa inuu leeyahay macaamiil dhawr ah ama ka badan.
Waa inuu qabanayo shaqo caadi ahaan hawlo ka baxsan ganacsigaaga.
Marka aad tahay shaqo-bixiye waxa lagaa rabaa inaad qortid ama haysid diiwaano. Waxa muhiim ah inaad fahamtid sharciyada iyo kharashyada marka aad qorsheynaysid ganacsigaaga.
 

Leave a Reply