“Gacan ku Dhiigluhu Cirka Haddii u Baxo waa la soo Qabanayaa oo Dalalka jaarka…” Wasiir Cadami

0
431

Hargeysa (DAWAN)- Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali (Cadami) ayaa shaaca ka qaaday inay dawladdu ku hawlan tahay qorshe la xidhiidha sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa gacan ku dhiiglihii dilay labadii sarkaal ee ka tirsanaa guutadda 1-aad ee ciidanka qaranka.

Axmed Xaaji Cali Cadami oo shalay warbaahinta kula hadlayay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in xukuumadu ku hawlan tahay in sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa gacan ku dhiiglihii labada sarkaal ee guutadda 17-aad ee ciidanka qaranka  ku dilay deegaanka Qurlugud, waxaana uu tilmaamay in dhacdadaasi ugub ku ahayd  dalka.

“Saraakiishii dhintay ALLE ha u naxariisto, gacan ku dhiiglihiina cirka haddii uu u baxo waa la soo qabanayaa oo dalalka jaarka ayaa lagu maqan-yahay, dalka gudihiisana waa laga raadinayaa. Waayo waa gacan ku dhiigle, waana nin raba inuu taariikhda ciidanka qaranka taariikh madow geliyo,”ayuu yidhi Wasiir Cadami.

Wasiir Cadami  oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi  “Dhacdadii naxdinta lahayd ee 18 bishan aynu ku jirno  ka dhacday deegaanka Qori-lugud oo ugub ku ahayd taariikhda Somaliland iyo ciidamadeeda, waxaanay ahayd lamo filaan, waxay ahayd  mid naxdin  leh, Laakiin in siyaasad aan galino may ahayn dhacdadaas foosha xumi.”

Axmed Xaaji Cali Cadami waxa uu tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo tacsidii ugu horaysay u  diray labadaas sarkaal eheladoodii iyo shacabka Somaliland ee ay ka baxeen sarkiishaasi, waxana uu yidhi “Waxaana halkan  ka cadaynayaa in tacsidii ugu horaysay uu bixiyay madaxweynaha  Somaliland, iyadoo uu soo saaray afhayeenkii madaxtooyaddu markaas yaan arrinta loo dhigin fikirkii gaabnaa  ee reernimadda.”

 

Leave a Reply