Isha Ganacsiga Todobaadka

0
504

Isha ganacsiga todobaadka  waa xubin kooban oo aynu kusoo qaadan doono hadba ganacsi ka mid ah ganacsiga sida aadka ah uga dhex socda todobaadkaasi magaalda Hargaysa.
Waxaynu todobaadkan kusoo qaadanaynaa xoolaha oo hadda si aad ah uu ganacsigiisu uga socdo guud ahaan sayladaha dalka, gaar ahaan waxaad arkaysaa markaad tagto saylada mashquulka ka jira iyo ganacsiga ka jira, maadaama oo lagu jiro xiligii xajka, waxaana kor usii kacaya qiimaha neefka lagu kala iibsado.
Saylada Xoolaha ee Magaalada Hargeysa ayaa Maalmihii ugu dabayey la Ciirciiraysay Xoolaha Nool ee wakhtigan oo kale loo Iibgeyo Moosinka Xajka, Xoolahaasi ayaa ka kala yimid dhammaan Dhulka Somalidu Degto oo ugu badan tahay Dhulka Somaliland iyo Hawda Itoobiya.
Marka aad Booqato Saylada Xoolaha ayaa waxa markiiba indhaagu qabanayaan Geel, Adhiga iyo Lo’da oo malaayiin ka baddan kuwaasi oo tuban Dhulka banana ee sayladu ku taalo.
Hadab saylada xoolaha hargeysa ayaa imika ah mid aad u mashquula iyadoo ku dhex arkayso noocyada baabuurta waaweyn oo kala duwan baabuurtaa iyagoo qaarkood saylada soo galinayaan xoolaha qaarna ka saarayaan oo isla markaana u sii jeedaan dhinaca magaalo xeebeeda Berbera.
Ganacsatada ka Shaqeysta Xoolaha ayaa sheegay in sanadkan Xoolaha soo galay Saylada Hargeysa ay yihiin ugu ugu badnaa ee abid ay arkaan.
Dhawr Todobaad oo kali ah ayaa ka hadhay wakhtigii Moosinka Xajka iyada oo xoolaha ugu badan ay ka taagan Somaliland.
Somaliland ayaa lafdhabateed koowad ee dhaqaale yihiin Xoolaha Nool..
Maxamed Axmed waxa uu ka mid yahay dadka keena ee ka ganacsada xoolaha, waxa uu Maxamed xoolaha kazoo iibsadaa miyiga ka dibna waxa uu u soo raraa magaalada, waxaanu Maxamed ka waraysanay sida uu uga ganacsado xoolaha, waxaanu noogu jawaabay sidan: “waxaan xoolaha ka keenaa miyiga oo aan kazoo iibsadaa, ka dibna waxaan keena magaalada oo aan kasii iibiyaa, xiliba waa nooc oo xili walba waxay ku xidhantahay suuqu siduu yahay, xiliyadan xajka lagu jiro oo kale waa xiliyada ugu fiican ee xoolaha lagaa iibsanaayo, laakiin waxa kusoo maraaya xiliyo uu suuqu xun yahay oo xaaladoodu aanay fiicnayn….. hadda wuu noo wanaagsan yahay suuqu”.
 

Leave a Reply