“Xildhibaan Siciidoow, Af-kaaga Ku Dhici Maayo Siilaanyo Iyo Dawladdu”

0
417

Hargaysa (Dawan): Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (nacnac),  oo ah mudane ka tirsan golaha Wakiiladda  ee Somaliland ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay  xildhibaan Siciid Cilmi Roobe, oo isna isla golahaasi Wakiiladda  ka tirsan oo ay ka soo yeedheen hadallo deel-qaaf ah oo aan ku habboonayn karaamadiisa Xildhibaanimo ka dib markii uu ku baaqay in qori caaradii lagaga hortago oo lagu ridko xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Xildhibaanka oo shalay la hadlay qaar ka mid ah warbaahitna, waxa uu ku dooday in xukuumadda ka dhalatay xisbiga Kulmiye  ay ka dhabaysay wax-qabadkii  uu xisbiga Kulmiye balan qaaday, isla markaana ay xukuumaddu wax-qabad  balaadhan ku tallaabsatay. Waxa kale oo uu tilmaamay  xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (nacnac),  in Siciid Cilmi Rooble oo hore uga tirsanaa xisbiga Kulmiye  uu ka baxay.

“Waxaanu leenahay xildhibaan  Siciid Cilmi Rooble, ha dhaco Siilaanyo, dawladu ha dhacdo, af-ka Siciid Cilmi Rooble  ku dhici maayo Siilaanyo, dawladuna ku dhici mayso. Wax-qabad  muuqda qofkii qaban waayay ee wadaniyadiisa muujin waaya ayaa ku dhacaya, wax-qabadkii  waanu oofinay,  haddii aanu Kulmiye nahay, isagu Kulmiye yahan aad ku sheegaysaan  ma aha beri hore ayuu ka baxay Kulmiye, waxaanu leenahay haddii aanu Kulmiye nahay, dadku qiimayn haku sameeyaan wax-qadka aanu samaynay” ayuu yidhi xildhibaan Nacnac. Dhinaca kale  Axmed Maxamed Diiriye (nacnac),  ayaa u soo jeediyay xisbiyadda mucaaridka ah in aanay   siyaasadaynin dilka labadaasi sarkaal, waxaanu ku tilmaamay labadaasi sarkaal ee geeriyooday in ay  la  mid yihiin mujaahidiintii hore  ee dalka u soo  dhintay. Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay ayaan la siyaasadaynin dilka labadaasi  sarkaal, oo xisbiyadda mucaaridka ahi  ayaanay  siyaasadaynin, ee laba mujaahid  oo inaga baxay oo kuweenii hore oo kale ayay inoola mid yihiin, ee taa hala ogaado. Waxaanu leenahay waanu ka xun-nahay  in dilka labadaasi sarkaal la siyaasadeeyay,  oo qaar kale ay inagaga sii dhinteen waanu ka xun-nahay, oo aad iyo aad ayaanu uga xun-nahay.  Dadka reer  Gabiley waa dadkeenii,  waa dadkii tan iyo tii horeba dhaliyay, markaa ma doonayno in siyaasad lagu baabiiyo”.

  Sidoo kale Xildhibaan Nacnac, ayaa   tacsi u diray qoyskii, qaraabaddii, ciidamadda qaranka Somaliland iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland ee ay ka baxeen labaddii sarkaal ee dhawaan lagu dilay tuuladda Qori-lugud ee gobolka Togdheer, waxaanu labaddii marxuum illaahay uga baryay in uu naxariistii jano ka waraabiyo eheladiisiina samir iyo iimaan ka siiyo, waxaanu yidhi  “Waxaan tacsiyadaynayaa labaddii sarkaal ee inaga baxay, qabiil kama bixin, qolana kama bixin, ee Somaliland oo dhan ayay ka baxeen, illaahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo, iyagana janadiisa Fardawsa haka waraabiyo. Gacantii ka gar-darnayd ee dishayna waxaanu Illaahay ka baryaynaa in aanu soo qabano, oo waajibkiisa la mariyo.”

Leave a Reply