“Wasaaradaheennu Waxay ku Jireen Dargadihii Ingiriisku Dhisay, Indhahana Lagama Qarsado…”

0
462

HARGEYSA (DAWAN)-Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin Dheeg oo ka mid ah mudaneyaasha  Golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay in xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Siilaanyo ay samaysay waxqabad la taaban karo.
Xildhaanka oo shalay u waramayay wargeyska DAWAN, ayaa waxa uu tilmaamay in xukuumadda Kulmiye ay dalka ka fulisay mashaariic kala duwan, Waxaanu  ku tilmaamay in ay tahay xukuumadii ugu wanaagsanayd ee soo marta Somaliland.
Xildhibaanka oo ugu horayn ka hadlayay  sida uu u arko xeerka  diiwaan-gelinta madaniga iyo codbixinta ee mudanayaasha golaha wakiiladu ku gudo jiraan doodiisa, waxaanu yidhi  “Xeerkan diiwaan-gelinta madaniga iyo codbixiyeyaasha  ee Golaha Wakiilada horyaalaa wax la mucaarido maaha,  waayo waa wax goleyaasha horyaala oo wixii ay mudaneyaashu isku  raaco ayuun baa sharciya, goluhuna mucaarid iyo muxaafidba wuu leeyahay. Haddii la yidhaahdo waxa baarlamaanku isku raaci doono ma ogolin, wax adduunka ka dhaca maaha, tan kale ee diiwaangelinta madaniga tii lagu codaynayay maaha waxaanan u arkaa qofka mucaarida in uu doonayo in ay doorashadu dib u dhacdo.”
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Goleyaasha waxa ay hore isku raaceen intii aanu ina Rayaale doorashadii laga helin,  in aan doorashooyinka dambe lagu galin bilaa diiwaangelin, oo doorashooyinka dambe noqdaan in qof waliba leeyahay kaadhkii muwaadinimada iyo kii codbixinta intaa marka la sameeyo  ayaa la qabanayaa doorashooyinka, waana la wadaa sidii ay ku qabsoomi lahayd.”
Xildhibaanku waxa kale oo uu tilmaamy in aan shacabka Somaliland u bislaan mudaharaadada, isla markaana aan loo baahnayn in la sameeyo mudaharaad, waxaana uu yidhi “Waxaan leeyahay ninka mudaharaadka abaabulayoow ogow in aad abaabulayso in dhiig daato, waayo wali mudaharaad dhaca oo aan dhiig ku daadan garan maayo, waxaasina waxa weeye waxa aynu badow ka nahay mudaharaadka salmig ah oo maaha in baabuurta la  tuur-tuuro,  mudaharaad salmiga ah ma aha dhaqankaasi, dadka mudaharaadka salmiga dhiga ee caalamka waxay soo qaataan calamo wadada si nabadda ayay ku maraan. Waxa weeye mudahaaradka ma naqaano aan iska dayno.”
“Markii falku dhacay-ba in mudaharaad la dhigo munaasib may ahayn,  sharafta reer Gabiley may ahayn inay mudaharaadkaasi dhigaan, sharaf bay lahaayeen, waxay  ahaayeen gobol magac leh oo loogu han weyn yahay gobollada Somaliland,  waxaan leeyahay ha la soo qabto gacan ku dhiiglihii,”ayuu yidhi Xildhibaan Dheeg.
Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay in aan indhaha laga qarsan karin wax-qabadka ay muujisay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, waxaanu  yidhi “Wasaaradaheennu waxay ku jireen dargadihii Ingiriisku dhisay, indhahana lagama qarsado waxa wanaagsan ee socda inta la baabi’iyay ayaa meel walba fooq lagu dhisay wasaaradihi waxa aad moodaa kuwii Yurub. Inta waddooyinka la dhisayo mashruucyada la wddo ee biyuhu ka mid yihiin, dawladani waxa ay qabatayna lama dafiro, mucaaridaduna waa inay noqotaa toosin oo meesha ay ka xun tahay dawladu waa in farta lagu fiiqaa, wixii wanaagsan ee ay qabatayna waa in la sheegaa. Waxanan leeyahay inta aynu dawlad soo arkaynay waa maamulkii ugu wanaagsanaa  boqolkii boqol. Hana la iimaansado wax socda dawladana ha la garab-galo.”
By: Khadar M. Dhako

Leave a Reply