Shirkada Apple Oo Soo Bandhigtay Telephone Saacada

0
409

Shirkada ku caan baxday soo saarista qalabka tiknolojiyada ee Apple ayaa soo saartay saacad cusub tan iyo markii ay soo saartay iPad iyo dhimashadii maskaxdii ka dambaysay soo saarista iPadka Steve Jobs.
Saacadaan ayaa leh awooda kuu siinaysa inay macluumaad kaa siiso xaaladaada caafimaad iyo fayaqabka jirkaaga waxayna natiijada u diraysaa telefoonkaaga iPhoneka. Sidoo kale waxay shirkada Apple soo bandhigtay naqshada labo nooc oo telefoonkeeda cusub ee iPad 6
kuwaas oo ka weyn nuucyadii hore.
Shaashada iPhone 6 ka cusub ayaa lagu qiyaasay 4.7in oo u dhiganta (11.9cm) iyo iPhone 6 plus kaas oo ay asna shaashadiisa lagu qiyaasay  5.5in (14.0cm).
Sidoo kale Apple ayaa soo saartay qalab cusub oo lagu magacaabo Apple Pay kaas oo badali doona Wallet si uu u sahlo dukaamaysiga.
 

Leave a Reply