Siyaasiyiin Ka Soo Goostay WADDANI Oo Ku Biiray KULMIYE

0
419

Hargaysa (Dawan): Masuuliyiin sar sare iyo siyaasiyiin xilal ka hayay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI   iyo taageereyaashoodii ayaa ku dhawaaqay in ay ka baxeen xisbigaasi, isla markaana ay si rasmi ah ugu   biireen  xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye.

Sidaasina waxa ay xubnahani kaga dhawaaqeen munaasibad balaadhan oo lagu soo dhaweynayay xubnahan ka soo digo rogtay xisbiga Waddani ee ku soo biiray  Kulmiye oo  shalay lagu qabtay Huteelka  Crown ee magaalada  Hargeysa, waxaana xubnahaasi ka baxay WADDANI eek u soo biiray KULMIYE ka mid ahaa   guddoomiyihii gobolka Maroodi jeex ee xisbiga Waddani, guddoomiye ku xigeenkii iyo guddoomiyihii garabka dhallinyarada iyo sidoo kale boqolaal taageereyaal ah oo iyaga la socday.

Waxaana munaasibadaasi ka soo qayb  galay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbigaasi  Maxamed Kaahin Axmed,  guddoomiye ku xigeenka labaad ee Kulmiye Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeyo, guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, Wasiiro,  xildhibaano ka tiran golaha Wakiiladda iyo sidoo kale taageereyaashii  la socday masuuliyiinta ka soo goostay xisbiga WADDANI.

Guddoomiyaha  xisbiga muxaafidka ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo xafladaasi soo dahweynta ah hadal ak jeediyay  waxa uu tilmaamay in xunahan ku soo biiray xisbiga Kulmiye ay noqon doonaan xubno ka mid ah xisbigaas, isla markaana aan cidi ka sheegan doonin.  Muuse Biixi Cabdi waxa uu xusay in xisbiga Kulmiye uu ka dhaxeeyo dhamaan shacabka reer Somaliland, isla markaana ay ku wadda jiraan.

Guddoomiye  ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in xisbiga Kulmiye aan la kala lahayn, isla markaana masuulka imika soo gala iyo kii hore  u joogay isku xuquuq ku leeyihiin xisbiga Kulmiye dhexdiisa. Maxamed Kaahin Axmed  waxa uu sheegay oo kale  in uu xisbiga Kulmiye uu dhamaanba fuliyay balanqaadyadiisii xilligii uu mucaaridka ahaa, waxana uu tilmaamay in xisbiyada mucaaridku  ku fashilmeen inay umadda u soo bandhigaan barnaamij siyaasadeed oo ay dadka ku kasbanayaan.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi hadal ka jeediyay Guddoomiyaha  golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (jaamac-shabeel), oo  ugu baaqay xisbiyadda mucaaridka inaanay wakhtiga iskaga lumin muddo kordhin loo sameeyo, xukuumadda, waxaana uu tilmaamay inay bililiqaysan doonaan xisbiyada mucaaridka.

Guddoomiyihii gobolka Maroodi Jeex ee xisbiga mucaaridka ee Waddani Shiine Maxamed Idiris oo isna halkaasi ka hadlay  waxa uu tilmaamay in labada xisbi mucaarid  ee Waddani iyo UCID ay jabiyeen xeer LN. 14 isla markaana xisbiga Kulmiye ku fadhiyo xeer axsaabta iyo mucaarida.

 Shiine Maxamed Idiris, oo arrimahaasi ka  hadlayayna waxa  uu yidhi “Waxaan cadaynayaa in aan ku soo wareegay xisbiga Kulmiye iska casilay guddoomiyihii  gobolka Maroodi Jeex gudidii fulinta iyo golihii dhexe ee xisbiga Waddani, sababta aan ku jeclaaday xisbigan Kulmiye ee aan ugu soo biiray waxa weeye xisbiyadu xeerar ayay leeyihiin. Markaan u fiirsaday saddexda xisbi sharcigooda waxaan arkay in xisbiga kulmiye ee ku fadhiyo xeer 14 oo ah xeerka axsaabta iyo ururada, sababahaana waan cadaynayaa oo shirweyne u dhexeeyaa oo gole dhexe laska samaystaa ma  jirto.

Shirweyne ka dhexeeya oo gudi fulineed iyo hogaan laska samaystaa ma jirto, waxaanan leeyahay labada xisbi ee mucaaridka waa in aad ilaalisaadn xeer 14.”

Sidoo kale waxa   halkaasi ka hadlay guddoomiye ku xigeenkii gobolka Maroodi Jeex ee xisbiga Waddani iyo guddoomiyihii garabka dhallinyarada ee Waddani     waxay sheegeen inay taageeradooda la garab istaagi doonaan xisbiga Kulmiye ee ay ku soo biireen.

By: Khadar M. Dhako

Leave a Reply