Wiil 5 Sano Ah Oo Dherer Xad Dhaafa Yeeshay

0
408

Wiil yar oo da’adiisu aanay weli gaadhin 5 sanno ayuu dherekiisu wakhtigan marayaa 1.70 Mtr. Welina waxaan muuqan astaamo muujinaya inuu halkaasi isku tagaayo. Sida ay soo saareen koox dhakhaatiir ah oo wiilkan yar baadhay ayaa cadeeyay inay la yaaban yihiin iyadoo wiilkan aanay jirin dhibaato caafimaad oo haysta ama waxa sababaya dhererkan xad dhaafka ah.
Wiilkan yar oo la yidhaa Karan Sing ayaa lagu diiwan geliyay inuu yahay wiilka yar ee dunida ugu dheer. Dhinaca kale marka la eego, dhererka waalidiinta dhashay , dhererkiisu ma noqonayo arrinkiisu mid yaab leh, maxaa yeelay hooyadii dherekeedu wuu ahaa sanadkii 2012 , 2.19 mtr , taasi oo wakhtigaasi ka dhigtay gabadh ugu dheer dalka Hindiya.  Wiilkan yar ayaa sheegay inuu xiisaynayo inuu ka mid noqdo laacibiinta kubada kolyga mustablka.

Leave a Reply