Akaadamiga Nabadda Oo Soo Bandhigay Daraasad la xidhiidha Ahmiyadda Diiwaan Galinta Madaniga ah

0
410

Hargaysa(DAWAN) Xukuumadda iyo sadexda Xisbi Qaran,ayaa ka wada qayb galay munaasibad Akaadamiga Nabada Iyo Horumarka  Somaliland ay ku  soo bandhigtay  daraasad iyo macluumaad la xidhiidha ra’yi ururin ay ka sameeyeen goboladda dalka  oo dhan isla markaana qiimayn lagu soo sameeyay  sida ay  bulshadu ugu diyaar garawday diiwaan galinta madaniga ah oo ay daraasaddu iftiimisay inay dadweynuhu soo dhaweeyeen in dalka laga hirgeliyo.Furitaankii xafladdaasi waxaa ka hadlay Naaasir Cismaan Sheekh oo isagu daadihinayey xidhiidhka xafladaasi waxaanu sheegay inay hay’adda akaadamigu  meelo kala duwan ka soo samaysay macluumaad la xidhiidha diiwaan-gelinta madaniga ah iyo ahmiyadda ay dalka u leedahay. Agaasimaha Akaadamiga   Maxamed Faarax Xirsi oo xafladaasi ka hadlay ayaa  ka warbixiyey daraasadan  ay soo sameeyeen iyo sababtii ku kaliftay waxaanu yidhi “Beryahan-ba waxaad maqlayseen Diiwaan-gelinta Madaniga ah oo la isku haystay,Akaadamigusida aad la socotaan waa hay’adda cilmi-baadhiseed haddii aanaan wakhtigan soo bandhigin cilmi baadhistayadu macno yeelanmayso,” ayuu yidhi Agaasimaha Akaadamiga Nabadda iyo Horumarka  Maxamed Faarax Xirsi. Axmed Maxamed Diiriye oo ka mid ahaa khubaradii wax ka soo soo diyaarisay cilmibaadhistan  oo isna madasha ka hadlay ayaa si qoto dheer uga warramay daraasada ay ka soo sameeyeen lixda gobol doorasho ee Somaliland. “Barnaamijkan waxaa soo diyaariyey dad aqoon u leh arrimaha cilmi-baadhista, innagu waxaynu  ka sheekaynaynaa waa Doorasho sidaa darteed waxaan halkan ku muujinaynaa qodobada kala ah-1 Sample Univers,Leval of Data Collection iyo Variable Resources,” ayuu yidhi  Diiriye. Intaa ka dib waxaa cod-baahiyaha la wareegay Naasir Cismaan Sheekh oo kamid ahaa dadkii wax ka soo diyaariyey Ra’yi Ururintaasi waxaanu sheegay natiijadii ka soo baxday xogtii ay soo ururiyeen ee Gobalada Somaliland oo dhan, Waxaanu sheegay dadkii ay soo waraysteen intooda badani in aanay  wax aqoon ah u lahayn arrimaha Diiwaan-gelinta,dhanka kale waxa uu sheegay in kala badh dadku aqoon u lahayn arrimaha Diiwaangelinta halka ay inta kale sheegeen inay fahansan yihiin arrimaha Diiwaan-gelinta oo ay tiradoodu dhamayd 782 qof guud ahaan intii ay Goballada ka soo waraysteen.“Markii aanu waraysanay magaalooyinka 6-da     Gobol in la soo hor mariyo Doorashooyinka Madaxtooyada iyo tan Baarlamaanka waxaa ugu badnaa dadka reer Hargeysa ay sheegeen in la soo hor mariyo doorashadda Baarlamaanka, ”ayuu yidhi Mr Naasir.

Sidoo kale waxaa warbixintaasi ku jirtay inay Cilmibaadhayaashu dadka Gobalada waydiiyeen in wakhtiga loo kordhiyo Baarlamaanka iyo Madaxweynahaba kuwaasi oo ku kala duwanaa aragtiyahooda la xidhiidha arrimahaasi waxaanay qaarkood sheegeen inay ku qanacsanyiin in loo kordhiyo Madaxweynaha wakhtiga xilka uu sii haynayo halka ay qaarkoodna arrintaa diideen. Cilmi baadhistan ay soo bandhigtay Hay’adda  Akaadamiga Nabadda iyo Horumarka ay noqonayso tii ugu horraysay ee nooceeda ah isla markaana  soo  bandhigisteeda laga soo wada qayb galiyo sadexda Xisbi Qaran iyo Xukuumadda Somaliland.

 

By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)

 

Leave a Reply