Xildhibaan Wasiirka Kalluumaysiga Ku Eedeeyay Inuu Faasaxay Qalab Loo Iibiyay Kalluumaysatadda Laas-qoray

0
451

Hargaysa (Dawan): Xildhibaan Cali  Xasan Aadan (Cali Barre), oo ka mid ah mudaneyaasha golaha Wakiiladda Somaliland ayaa ka jawaabay hadallo ka soo yeedhay Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka badaha  Cali Jaamac Buureed, oo eedaymo u soo jeediyay xildhibaanka.
Cali Xasan Aadan Barre oo shalay warbaahinta kula hadlayay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in uu daacad u yahay  Somaliland, isla markaana ay kala saari doonaan isaga iyo wasiirka kalluumaysiga cida wax u qabatay deeganka.
waxaanu sheegay  inuu Somaliland  22 sano xildhibaan ka ahaa, isla markaana aanu marnaba tegin meel kale.
Cali Barre oo arrimahaasi ka hadlayayna  waxa uu yidhi “Wasiirku waxa uu ka hadlay siyaasiyiin  khiyaamaynaysa Somaliland oo Cali Barre ka mid yahay. Waxa kale oo uu  sheegay  xildhibaan Cali Barre waxa  isku dirayaa Somaliland iyo bulshada reer Laasqoray waxa kale oo uu yidhi Waligii meesha ma tagin cidii soo dooratayna waxba uma qaban, qof waliba waxa uu yahay way soo bixi doontaa.”
“Masuuliyiintan uu cambaaraynayana waa masuuliyiin aniga ila mid ah, sida Cadami oo kale mar baan Somaliland wada nimi siduu ayuu u joogaa aniguna aan u jooga, ismaanu badalin Caliyoow sidaada busta saari mayno, wax qaranimada Somalilland ka soo  horjeeda, waa waxa aanu u fadhino 22 ka sano oo aanu ku shaqaynaa waxqabadkana adiga lagu waydiin maayo ee bulshada la waydiinayaa cida wax u qabatay iyo cida aan waxba u qaban” ayuu yidhi Md. Cali Barre.
Xildhibaan Cali Barre, ayaa sidoo kale waxa uu Wasiirka Kalluumaysiga ku eedeeyay in uu lunsaday qalab kalluumaysi oo ay xukuumadda Somaliland ugu deeqday, isla markaana ay  wasaaradda maaliyadda   u iibisay   kalluumaysatadda degamdda Laas-qoray in uu  lunsaday Wasiirka Kalluumaysigu  kana  iibiyay ganacsato kalluumaysi oo ka soo jeedda Puntland.
Waxaanu yidhi “U jeedadda warqadani waxay tahay oo aan ku cadaynayaa cabasho lunsi qalab kalluumaysi oo  madax-dhaqameedkii iyo iskaashatooyinkii kalluumaysiga ee Laasqoray iyo Ceelaayo ay u soo gudbiyeen madaxweynah Somaliland, waxay leeyihiin mudane madaxweyne anaga oo ah odayaasha dhaqanka iyo iskaashatadda kalluumaysiga ee degmadda Laasqoray, waxaanu halkan ka cadaynaynaa in qalabkii  kalluumaysiga ee ay noo soo iibisay wasaaradda maaliyaddu looguna deeqay kalluumaysatadda degamdda Laasqoray. Oo dhamaabtood  ahaa 11- matoor iyo 20 shebeg oo kuwa kalluumaysiga ah, qalabkaasi dhamaantii waxaa lunsaday wasiirka Kalluumaysiga Cali Buureed, waxaanu ka iibiyay ganacsato reer Puntland ah, una dhashay gobolka Barrie e Boosaaso.”
By: Khadar M. Dhako
 
 

Leave a Reply