“Ciidanka Somaliland Malaha Qabiil ee Waa Halgameyaal Qaran”

0
638

“Dhib walba oo Qarankeenna ku dhacda waa mid loo baahan yahay in aynu ku qaabilayno dareen ka madhan in cid dan gaar ah leh u tumaan durbaan siyaasadeed”
 
Hargeysa (Dawan)-Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa shaaca ka qaaday in meel kasta oo uu galo sharciga la horkeeni dooni askarigii dhawaan dilay labada sarkaal ee madaxda ka ahaa Guutadda 17-aad ee ciidanka qaranka ee fadhigoodu yahay magalaadda Qori-lugud.Wasiiirku waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu ka soo saaray socdaal wefti Wasiirro ah oo uu ka mid ahaa ay ku tageen Magaaladda Gabiley si ay ugala hadlaan madaxda dhaqanka iyo waxgaradka gobolka dejinta mudaharaadkii ka dhashay dilka labadaas sarkaal, sida lagu faafiyay mareegtiisa guusha.com, waxaanu yidhi “Waxay ahayd Galabnimadii Isniintii  abaaro 4:00pm kadib markii wefti aan ka mid ahay isla markaana ka kooban Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane, Cali Maxamed Warancade, Wasiirka Maaliyada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Masuuliyiin kale safar ku gaadhnay Gabiley.”
“Waxaa Sidoo kale hore ugu sii sugnaa Wasiirka Wasaaradda Wershadaha Md Abiib Diiriye Nuur iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Md. Muuse Qaasim. Ujeedada safarkan ayaa ahaa mid salka ku haya la soo dareen qaybsiga Alle u Naxariistee sarkaal Maxamed Yuusuf Aw Rabaax iyo daminta isku-dhacyo ka dhashay dhimashada sarkaalkaas qiimaha badan ee qarankeenna ka baxay iyo sidoo kale Xalinta Askari Toogasho ku dilay Dambiile isku- day Baxsi Isniintii  ka sameeyey Maxkamadda.Geerida sarkaalkan ayaa timid kadib markii Gacan- ku- Dhiigle aan qaranka Somaliland tudhaale u lahayn uu toogasho ku dilay Alle  u Naxariistee Sarkaal Maxamed Yusuf Aw Rabaax iyo Sarkaal Jaamac Bidaar,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu. Wasiir Xirsi waxa uu sheegay in gacan ku dhiiglahaasi tallaabo laga qaadi doono si looga caago in sarkaal qaranka u shaqaynaya loo dilo, waxaanu yidhi “Meel walba oo uu joogo gacan ku dhiiglahaasi waa mid sharciga la hor keeni doono isla markaana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan oo Tusaale u noqon doonta in Gacan ku dhiigle dambe aanu si fudud gacan ugu qaadi doonin sarkaal heegan u ah Difaaca Qaranimada Somaliland iyo Sugida Amaanka Dalka ! Ciidanka Jamhuuriyadda Somaliland waa Astaanta Qaranimada iyo Quruxda Dawladnimada, hadaba, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland isagoo dareensan qiimaha ciidanku ku leeyihiin qaranka wuxuu kulan tacsi iyo la dareen qaybsi isugu jira uu qasriga Madaxtooyada JSL kula yeeshay Eheladii ay ka baxeen Sarakiishaas aan marnaba ka sal guuri doonin xasuusta dalka iyo dadkaba sidoo kalena shacabka reer Somaliland uga tacsiyeeyey isla markii Geeridu dhacday.” “Dhib walba oo Qarankeenna ku dhacda waa mid loo baahan yahay in aynu ku qaabilayno dareen midaysan oo ka madhan in cid dan gaar ah leh u tumaan durmaan siyaasadeed oo keeni kara khasaare kale oo dadkeena soo gaadha, Ciidanka Qarankuna maaha Qabiil ee waa Halgamayaal Qaran oo cidhif walba oo dalka ah looga xanuunsanayo dhibta soo gaadha! Ujeedada safarkan ayaa sidoo kale daarnaa Xalinta Askari maanta toogasho ku dilay Dambiile isku day baxsi maanta Maxkamada ka sameeyey kadib markii xukun ku dhacay,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu. Wasiirku waxa uu ka hadlay maxbuuskii baxsanayay ee ciidanku toogtay oo uu sheegay inay ka xun yihiin dhimashadiisa, waxaanu yidhi “Waan ka Tacsiyeynaynaa Ehelkii iyo Qarabadii Marxuumkaasi ka Geeriyooday, Maadaama aanu xukun dil ah ku dhicina waanu ka xunahay dhimashadiisa. Waa dhab oo naf walba saacad ayey leedahay ay aduunkan ka bixi doonto , walaw dhimashadu mid tahay hadana asbaabta ayaa kala duwan qofku aduunka kaga tegayo. Safarkan ayaa Caawa noogu soo dhamaaday is-afgarad iyo guul u soo hooyatay dhamaan Qarankeena, Wa Bilaahi Tawfiiq.”
By: Cumar Maxamed Faarax

Leave a Reply