Wasiirro ka soo jeeda Galbeedka Dalka Oo Xukuumadda Ka Difaacay Eedo Loo Jeediyay

0
429

Boorame  (DAWAN)- Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ka soo jeeda goboladda galbeedka dalka ayaa shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen Boorame, waxay sheegeen in la qiimaynayo oo xukuumaddu ka jawaabi doonto tabashadii salaadiinta Awdal iyo Salel. Waxa kale oo ay naqdiyeen socdaal ay odayaal ka socday beelaha galbeedka Burco ay dhawaan ku tageen Boorame.
Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Md. Cali Xaamud Jibriil oo halkaasi ka hadlay ayaa naqdiyay Odoyaasha dhaqanka ee Beelaha Galbeedka Burco safar ay dhawaan ku yimaadeen Magaalada Boorame waxaanu yidhi  “Safarkii ay dhawaan ku yimaadeen Madaxdhaqameedka Beelaha Burco Magaalada Boorame waxa uu ahaa safar aan wanaagsanayn oo ujeedadiisii dhaqanka ahayd la majaro habaabiyay, waxa uu ahaa safar uu xisbiga Waddani uga gol lahaa inuu xiisad ku abuuro dadka dhexdoodana abuurro xaalad aan fiicanayn. odayaashu markii ay Boorame yimaadeen waxa ay ku hadleen inay xulafo iyo aayo ka tashi u socdaan, iyaga oo aan carabka kala xishoon inay beel ka socdaan, waxaana aan leeyahay looma baahnayn sidaasi, haddii beel  meesha soctay ama aad u socoteen waxa ay ahayd inaan soo kaxaysataan kuwa kale ee beelaha Galbeedka Burco ka tirsan ee xukuumada nagula jira, haybta guudna aad wadaagtaan.”
 
Wasiir Cali Xaamud Isaga oo hadalka sii wata waxa uu yidhi “Mar haddii aanay Beesha Galbeedka Burco arki Karin beesha Bariga Burco ee ay ood waadaagta yihiin u malayn maayo inay beelaha Galbeedka Dalka ay nasteexo u leeyihiin, waxana aan leeyahay odayaashaas dhaqanka oo ah kuwo xusmad iga mudan, Boorama iyo meel walba oo dalka ah waad iman kartaan, balse la taga inaan ummada isku soo dhawaysaan oo aad midnimada ka shaqaysaan oo aad hore u talaabsataan.”
 
Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Maxamed Jaamac Abgaal, oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in ay ashkhaas  xil doon ahi ay siyaasadeynayaan tabashadii salaadiinta galbeedka dalku u gudbiyeen madaxweynaha, isaggoo arrintaas ka hadlayna waxa uu yidhi “Odayaashii karaamada iyo xusmada lahaa ee saamiga ay xaqa u leeyihiin doonistiisa ugu tagay madaxwaynaha ayaa waxa la moodaa in la siyaasadaynayo oo kooxo laba ah oo aan danta beelaha galbeedka ka shaqaynayn ay si u wareejinayaan war aanan loo baahnayan, waxana aan leeyahay beelaha salaadiinta horkacda iyo annaga oo ah Wasiirradii xukuumadda kaga jiray waanu isla haysanaa  oo dhinac ayaan u wada jeednaa, Madaxwaynuhuna odayaasha si xushmad leh ayuu u qaabilay oo arrintii ay xaqa u lahaayeen ee ay u socdeen meel wanaagsan ayay maraysaa, markaa kooxda xil doonka ah ee leh, odayaasha lama xushmayn oo waa loo jawaabi la’yahay waxa aan leeyahay arrinta ay odayaashu wateen ma ahayn mid madaxwaynaha jeebkiisa sidii shilimada laga soo saarayay.”
“Madaxwaynuhuna waxa uu u saaray Guddi aan ku jirno, waxaana ay gorfaynteedu maraysaa meel wanaagsan ee haddii ay idinka odayaasha arrintoodu idinla fududahay, annaga way nagu weyn tahay, waanan is fahansan nahay oo odayaasha waan ku ixtiraamaynaa dhaqanka iyo hawsha ay hayaan, sidoo kale ayayna annagana noogu ixtiraamayaan hawsha aan hayno,”ayuu yidhi Wasiir Ab-gaal.
 
Wasiirka Beeraha Somaliland Prof. Faarax Cilmi Goodoole ayaa sheegay in Guddigii madaxweynuhu u saaray ka soo tallo-bixinta tabashadii  Salaadiinta beelaha galbeedka dalku ay yeesheen kulamo badan oo ay ku darsayaan hawshii loo xil saaray, waxaanu beeniyay warar sheegayay in aanay gudidaasi mar qudha isku iman, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa habboon in ragga waaweyn ee saxaafada soo hor fadhiisanaya ee afka kala qaadayaa ay ka fiirsadaan hadalka ay odhanayaan oo ah mid malaayiin qof gaadhaya, waxa ay yidhaaheen gudidii Madaxwaynuhu u saaray tabashada beelaha Galbeedku wali kulan ma yeelan,arrintaas waxba kama jiraan, ugu yaaan 6 goor ayay gudidaasi kulantay oo ay arrintaas falan-qaysay, madaxwaynuhuna waa ogyahay, annaguna waxa aan odayaasha hortooda ka sheegnay maantana ku celinaynaa in odayaashu xaq ay u leeyihiin inay arrinta dadkooda cid walba oo ay tallo ka go’do kala hadlaan.”
Wasiir Faarax Geedoolle oo daba socday hadallo ka soo yeedhay kooxda la baxday madasha wada tashiga, waxa uu yidhi  “Markaa ragga waaweyn ee golaha is magacaabay ku jira waxa aan uga digaynaa inay wax aan ka jirin gobolada galbeedka dalka sheegaan, sidoo kalena ay dadka walaalaha ah ee galbeedka dalka ku nool ay arrintooda oo meel wanaagsan maraysa ay marmarsiiyo aan meelna jirin u sameeyaan.”
By: Cabdalle Cali Yuusuf

Leave a Reply