“Xasan Sheekh Wuxuu Caddeystay Inuu Yahay Ninka Dabka ka Shidaya Sool Iyo Sanaag”

0
412

Hargeysa, (Dawan)- Guddoomiyaha xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Md.Muuse Biixi Cabdi ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu dabada ka soo riixayo kooxda khaatumo ee doonaysa inay nabad-gelyo darro ka abuurto Somaliland.
Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu si toos ah uga horyimi xuduuddihii isticmaarka, isagoo Xasan Sheekh ku tilmaamay inuu adeegsanayo siyaasad ku salaysan maan-gaabnimo.
Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye oo shalay ka hadlayay kulan ay axsaabta qaranku isugu yimaadeen xarunta Akedamiyada horumarka iyo nabadda, waxa uu yidhi,  “Xasan wuxuu yidhi (madaxwaynaha Soomaaliya) Soomaaliya 18-keedii gobol ma kala go’i karaan, Somaliland-na wada-hadal ayaa noo socda. Xasan waxaan Leeyahay hadalkaasi wuu kaa qaldamay, waanu kaa qaloocday. Ina Cabdule Xasan wuxuu yidhi “Maandhow ixsaan lagama tago eed hadaad faliy’e” ummadan wixii gaadhay goob-joog ayaad u ahayd, halkaynu ku kala tagnay, halkaynu ku kala quusanay iyo sidaad u hadashay maanta weliba adiga oo qoslaya waa laba kala fog weeye, war mooge ayaad tahay Soomaali isku imanaysaa ma jirtee haku riyoon. Bani-aadamku wuu is-khilaafaa Scotland iyo England 310 sanno ayay mid ahaayeen Scotland waxay tidhi waanu tagaynaa cod baa loo qaaday 10 % ayay kaga heleen. 1997kii dadka Somaliland 97% ayuu ku codeeyay inuu gooni isku taago, haddii aad taa diido waa ixtraam la’aan.”
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wataana waxa uu intaas ku daray, “Wuxuu yidhi Sool iyo Sanaag kama tirsana Somaliland. Xasan Sheekhow waxaad muujisay inaad tahay ninka dabka ka shidaya goballada Sool iyo Sanaag, ninka Khaatumo dabada ka wada ee dagaalka Somaliland kuwada ayaad caddeysatay, waana godob kuu taalla. Xasan Sheekh wuxuu ku andacooday oo erayga ugu liita ah ninkaa dhan ee madaxweynaha ahi caalamka xeerarkiisa, xeeladiisa iyo siyaasaddiisa midna muu tixgelin waxaynu u kala go’aynaa mustacmaradihii ina haysatay Ingiriis iyo Talyaani wuxuu yidhi Xasan Sheekh taasi mid soconaysa maaha, wuxuu si caddaan ah uga horyimi xeerka xuduuddaha ee Afrika ku heshiisay, isaga oo ay illaaliyaan ciidamo Afrikaan ah oo aan kelidii socon karin,. Xasan Sheekhow waxaynu nahay laba dal oo walaalo ah oo labaduba xuduudkooda isticmaarkii cayimay, dadkeenu wanaag, walaalnimo iyo nabad haku wada noolaadaan, maan gaabnimadana siyaasaddeena ka daa.”
By: Yoonis M.Jaamac

Leave a Reply