Somaliland Oo Madaarrada Dalka ka Mamnuucday In Qaad Looga Dhoofiyo Yurub Iyo Carabta

0
423

Hargeysa (Dawan)- Wasaarada Duulista iyo Hawada Somaliland ayaa Mamnuucday inaan madaarrada dalka laga dhoofin karin Jaadka,kaasi oo loo gudbinayo dalalka Yurub iyo dunida carabta. Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray afhayeenka wasaaradaasi Saddaam Maxamed Axmed. War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystirani waxa uu u dhignaa sidan:-  “Hawl-wadeennada Ammaanka ee Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal waxay toddobaadyadii ugu dambeeyey qabteen Qaad sifo ganacsi oo sharcidarro ah la isku dayayey in dalka lagaga dhoofiyo loona waday qaar ka mida dalalka Yurub sida Ingiriiska, Swedan, Norway, iyo Denmark. Iyada oo qaar ka mid ah rakaabkii dhoofayey ay siteen, si ay qarsoodi ugu galiyaan waddammadaas. Shaqaalaha ammaanka ee madaarka Cigaal oo adeegsanaya qalab casri ah iyo xirfaddooda baadhitaan ee sarraysa, ayaa ku guulaystay inay qabtaan oo fashiliyaan qorshaha Qaadkan oo dad badani sideen, si loogu gudbiyo wadamada ay ka soo xagaa baxeen, oo salka ku haysay ujeeddo ganacsi. Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxay ku war galinaysaa dhammaan dadka rakaabka ah ee ka dhex goosha madaarrada dalka inay mamnuuc tahay in Qaad loo dhoofiyo waddammada Yurub iyo Carabta iyo guud ahaan wax kasta oo aan soo marin dariiqa sharciga ah ee waaxaha madaarrada.
Waxaanu ugu digaynaa dadweynaha rakaabka ah inay ku kacaan falal liddi ku ah shuruucda dalalka ay u dhoofayaan iyo midka ay ka dhoofayaan, taas oo saamayn ku yeelan karta socdaalkooda, dhinaca kalena sumcad xumo ku keeni karta Madaarrada dalkeena.”
By: Cumar M.Faarax
 

Leave a Reply