Wakiiladda Oo Si Weyn U Soo Dhaweeyey Heshiiskii Dhex Maray Xukuumada Iyo Xisbiyada

0
381

Hargeysa (Dawan): Mudaneyaasha golaha Wakiiladda ee Somaliland ayaa si weyn u soo dhaweeyay heshiiskii ay todobaadkan  wada  gaadheen xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka ah, ee ku   saabsanaa  diiwaan-gelinta muwaadiniinta iyo ta cod bixiyeyaasha, kaasi  oo ay  doodiisa ku gudo jiraan  xildhibaanadu.
Fadhigii shalay ee golaha Wakiiladda oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha golahaasi  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), ayay xildhibaanadu   kaga doodayeen qabyo-qoraalka iyo  kaabista iyo wax-ka bedel lagu samaynayo xeerka diiwaan-gelinta madaniga ah iyo ta cod bixiyeyaasha.
Xildhibaanadda golaha Wakiiladda ayaa waxay sii ambo qaadeen dooda ku saabsanayd qabyo qoraalka iyo kaabista iyo wax-ka bedelka la xidhiidha xeerarkaasi,  iyadoo  qaar ka mid ah xildhibaanadii ku sugnaa fadhigaasina ay aragtidooda ka dhiibteen xeerkan.
Xildhiban Ibraahim  Caraale Cabdi, oo ka mid ahaa mudaneyaashii ka qayb qaatay doodad xeerarkaasi,  ayaa  sheegay in ay si weyn u soo dhawaynayaan heshiiskii ay dhawaan gaadheen xukumadda iyo xisbiyada mucaarad ah. waxaanu yidhi “Waxaan soo dhawaynayaa heshiiska uu inoo soo gudbiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isagoo tix gelinaya tabashadii xisbiyadayada iyo sida uu mucaaradka ula eegay wixii ay ka dideen aad baan ugu mahadinaynaa.”
Isaga oo xildhibaan Ibraahim sharaxaad ka bixinayay xeerkaasi golaha Wakiiladda horyaalla ee ay doodiisa ku guddo jiraan, waxa uu yidi  “Xeerkani waxa uu u adeegayaa qaranimada dalkeena waa waajib in la cadeeyo muwaadinka xaqa u leh in uu codeeyo iyo ka ajaanibka ah ee aan dalka u dhalan, si ay dalkeena uga dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah. Waxaan xukumada ku bogaadinayaa in ay xeerkan soo gudbisay wakhtigii ugu haboonaa si aanay doorashooyinku dib ugu dhicin.”
Sidoo kale, Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, ayaa isna ka mid  ahaa mudaneyaashii  aragtidoodda  ka dhiibtay  doodda xeerkan waxaana  uu yidhi  “Cida cadaynaysa in qofku yahay muwaadin u dhashay Somaliland xeerkan waxa ku qoran oo laga soo qaatay caaqil, markaa anigu waxaan soo jeedin lahaa in lagu daro suldaan, xildhibaan,sheekh iyo qof bulshada ka caan ah oo la garanayo in uu cadeeyo muwaadinimada qofka. Waaxa kale oo aan soo jeedinayaa doorashooyinka inagu soo socda in hal mar la wada.”
Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan, oo isna ka qayb qaatay dooda xeerkaasi.  “Waxaan soo jeedinayaa in goobaha ay ka dhacayso diiwaan galintu la kordhiyo ama loo haadyo tirade goobihii hore ay dadku uga codayn jireen si aanay dadka ugu yaraan. Waxa kale oo aan soo dhawaynayaa heshiiskii dhawaan ay gaadheen xisbiayda mucaaridka ah iyo xukumadu” ayuu yidhi xildhibaanku.
Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo doodaas ka qayb qaatay ayaa isagoo aragtidiisa cabiraya waxa uu yidhi “Waxaan soo dhaynayaa heshiiskii dhawaan ay gaadjeen xukumada iyo xisbiyada mucaaradka ahi. Marka laga hadlayo diiwaan galinta muwaadiniinta waxa loo baahan yahay in aad loo lafo guro. Markaa waxaan soo jeedinayaa in diiwaan galinta muwaadinka iyo ta codbixiyaaha laga kala dhigo laba xeer.”
Dinaca kale waxaa isna ka mid ahaa mudaneyaasii ka dooday xeerkaasi Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud,  waxana  uu seegay  in xeerkani yahay xeer aad u muhiim ah loona baahan yahay in la meel mariyo.  “Xeerkani waa xeer aad u muhiin ah in badana waa laga dooday waxaan taageerayaa in goobaha diiwaan galinta ka kordhiyo xeerkan sidaa lagu ansixiyo maadaama oo uu yahay xeer aad u muhiim ah si ay inoogu dhacdo doorasho fiicani” ayuu yidhi Cabdiqaadir Jaamac Xaamud.
Gudoomiyaha golaha Wakiiladda  C/raxmaan Cirro, ka dib doodaasi ay mudaneyaashu ka yeesheen xeerkaasi  ayaa  xildhibaanada ku wargaliyey in doodda xeerkaasi ay halkaa ka sii socon doonto fadhiga kan xiga.
 
 

Leave a Reply