Dadweynaha Qori-Lugud Oo Mudaharaad Balaadhan Kaga Dhiidhiyay Dilkii Labada Sarkaal

0
514

“Jamaal waxa uu Dalka Ku Soo Kordhiyay  Cudur Xun oo Aan Hore u Jirin, Cali Guray Isaga Hadalkiisu wax ka soo qaad ma lahee”
“Annaga ayay Naga Geeriyoodeen Saraakiisha la dilay,waxaanan ku Baaqaynaa Inay gacan ku dhiiglahaasi la soo qabto”
 
Hargeysa (DAWAN)- Boqolaal qof oo ka mid ah waxgaradka, dhalinyarrada, haweenka iyo culimadda degmadda Qori-lugud ee gobolka Togdheer ayaa  banaan bax balaadhan  iyo kulan baroor diiq ah oo ay shalay iskugu soo baxeen ku cambaareeyay   dilkii labadii sarkaal ee ka tirsanaa ciidanka qaranka  ee 17-kii bishan uu askari ka tirsanaa ciidanka qaranku ku dilay Xero ciidan oo ku taalla duleedka Qori-lugud.
Dadweynaha degmadda Qori-lugud waxa ay sheegeen inay ka tiiraanyaysan yihiin, kana xun yihiin dilka labada sarkaal ee kala ahaa Maxamed Yuusuf Aw Rabaax iyo Sarkaal Jaamac Bidaar, waxaanay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ay ku cambaareynayeen dilkaas oo ay ku tilmaameen kii ugu foosha xumaa ee deegaankaasi soo maray.
Oday Hurre Ibraahim Walan-wal, oo ka hadlay isku soo baxaasi  ayaa sheegay inay  iskugu soo baxeen sidii ay ilaahay ugu weydiin lahaayeen Janno labada marxuum ee gacanta ka xaq darrani dishay, waxaanu yidhi “Waxaanu iskugu soo baxnay inaanu ILAAHAY janno u weydiinno labadii marxuum ee saraakiisha ahaa oo aan qabo inay annaga naga dhinteen. Waxaanan leeyahay ninkaasi meel kasta oo uu galo haloo hala soo qabto.”
“Waxaanu ka xun nahay  cudurka xun ee uu  xisbiga UCID  gaar ahaan  Jamaal Cali Xuseen uu curiyay dhaqan xun oo   uu dalka ku soo kordhiyay, Cali Guray isaga hore ayuu dalka u joogay oo waligiiba wuu iska hadli jiray oo wax ka soo qaad ma lahee , Jamaal ayaanu tuhmay isna waanu la yaabnay sidii uu u hadlay,”ayay tidhi mid ka mid ah haweenkii soo abaabulay  banaan-baxaas baroor-diiqda ahaa.
“Annaga ayay naga geeriyoodeen saraakiisha la dilay waanu ka xun nahay waanan cambaaraynaynaa, haddii aanu nahay dadweynaha iyo waxgaradka degmadda Qori-lugud aanu  leenahay ILAAHAYOOW noo bidh-bidhi oo noo soo qabo gacan ku dhiiglihii dilay labadaas sarkaal,”ayuu yidhi mid ka mid ah duqayda reer  Qori-lugud oo ka hadlay banaan-baxaas  baroor-diiqda ahaa.
Mid ka mid ah culimadda magaaladda Qorilugud ayaa  ka hadlay sida ay uga xun yihiin dilka labada sarkaal, waxaanu yidhi “Waxaan ka tacsiyadeynaynaa labadii qoys ee ay ka dhinteen labada sarkaal ee gacanta ka gar-darani  ay dishay, waxaanu  xukuumadda Somaliland aanu ka gacan siinaynaa sidii loo soo qaban lahaa gacan ku dhiiglahaasi oo meel kaga dhacay milgihii iyo sharaftii dadweynaha deegaanka Qori-lugud,”

Leave a Reply