Nin Ingiriis ah Oo Gurigiisa Ka Dhigay Kaydka Hubka

0
407

Booliiska Ingiriiska ayay u suurtagashay inay helaan makhsin lagu kaydiyay hub kala duwan oo ku dhex yaalay guri uu leeayahay nin  ingriis oo ku yaal gobolka Heirotofor. Booliiska ayaa ka shakiyay gurigan inay yaalaan hub kala duwan oo isugu jira qunbuladaha gacanta , hub cuslus iyo mid fudud.
Ciidanka booliiska  ayaa halkaasi ku bilaabay baadhista, waxase fajac ku noqotay markii ay ka heleen dhamaan noocyada hub ee kala duwan oo aad halis u ah. Dhamaan hubkii kala duwan waxa la wareegay booliiska . iyadoo la xidhay ninkii guriga laha ay da’idiisu ahayd 46 jir, iyadoo looga shakisan yahay inuu soo xaday kaydkan hubkan baaxadda leh

Leave a Reply