Dulucda Qoddobadii Madaxweynaha Somaliland Kala Hadlay Danjiraha Denmark u Fadhiya Kenya

0
402

Hargeysa (DAWAN)-Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmad Maxamad Maxamuud (Siilaayo) ayaa shalay  kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyadda  wefti uu hogaaminayay safiirka dawladda Denmark u fadhiya magaalada Narobi ee dalka Kenya Geert Aagaard Andersen oo socdaal ku yimi dalka.
Kulankan madaxweyne Siilaanyo  uu la yeeshay safiirka Denmark, ayaa waxa ku wahelinayay madaxweyne ku xigeenka Somaliland  Cabdi raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)xubno ka mid ah Golaha wasiirrada,waxaana ay ka wada hadleen xadhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo dalka Denmark iyo sidii Somaliland ay uga taageeri lahaayeen kaaba yaasha dhaqaalaha iyo doorashooyinka.
Wasiirka wasaarada arimaha dibada Somaliland Maxamad Biixi Yoonis oo warbaahinta la hadlay ka dib markii kulankaasi ka dib,  ayaa waxa uu sheegay in safiirka ay ka wada hadleen arrimo labada wadan ee Somaliland iyo Denmark khuseeya ,waxaana uu tilmaamay in ay warbixin ka siiyeen xaga nabadgalyada iyo doorashooyinka la filayo in ay qabsoomaan wadanka  sanadka 2015-ka. Maxamad Biixi Yoonis oo arrimahaasi ka hadlayay  waxa uu yidhi “Somalilnd iyo Denmark cilaaqaad ayaa ka dhaxeeya , Denmark waxay ka mid tahay wadamada wax ina tara Somaliland xafiis ayay ku leeyihiin,  waxaana u fadhiya nin wakiil. waxaanu  ka wada hadalnay safiirka arrimo labada wadan khuseeya waxaana aanu warbixin ka siinay xaga doorashooyinka nabadda iyo wadahadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Somalia,markaa waxaan ku faraxsanahay kuna soo dhaweynaynaa safiirka booqashadaa rasmiga  ah ee uu noogu yimid Somaliland ahaan  oo aanu ku soo dhaweynayno  aad baanay u qadariyaan Dadka reer Somaliland dawlada  Denmark. waxaanay lacag ku bixisaa sanduuqa horumarinta Somaliland, waxaana aan uga mahad naqaynaa cilaaqaadka fiican ee ay nala leeyihiin.” Safiirka dalka Denmark u fadhiya Kenya Geert Aagaard Andersen, ayaa waxa uu sheegay in ay ka wada hadleen madaxweyne Siilaanyo  sii xoojinta xidhiidhka u dhaxeeya Somaliland iyo Denmark waxaana uu tilmaamay in ay Somaliland ka taageeraan xaga dhaqaalaha oo ay kaalin muuqata ku leeyihiin  sanduuqa horumarinta Somaliland, islamarkaana ay sii wadi doonaan barnaamijyada horumarineed ee Somaliland gaar ahaana xoolaha nool ee Somaliland u dhoofiso dalka Saudi Arabia. Safiirku waxa kale uu xusay in dalka Denmarkdoor muuqata ku leeyihiin  wadahadalada u dhaxeeya dawladaha Somaliland iyo Somalia,waxaana intaasi ku la dhay in Somaliland ay ka taageeri doonaan xaga doorashooyinka,  diwaangalinta codbixiyeyaasha  iyo adeegyada lagu horumarinayo Somaliland.
By: Khadar M.Dhako

Leave a Reply