Madaxweynaha Iyo Madaxda Kulmiye Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Geerida Agaasimihii Cusbitaalka Burco

0
507

Hargeysa, (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa guud ahaan shacabka iyo bahda caafimaadka ka tacsiyadeeyay geerida agaasimihii cusbitaalka magaalada Burco Marxuum Dr. Cabdiqaadir Xaaji Muuse (Muruq-liqe).
Madaxweynuhu wuxuu marxuumka Illaahay uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskii, bahda caafimaadka iyo shacabkaba Illaahay samir iimaan ka siiyo.
Dhambaal  lagu faahfaahiyay tacsidaas oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka aqalka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa u qornaa sidan:-  “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Md Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa, Bahda Caafimaadka  Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Dr. Cabdiqaadir Xaaji Muuse (Muruq-liqe) oo ku geeriyooday 24/09/2014 Magaalo Madaxda Togdheer ee Burco.
Marxuumka oo ka mid ahaa dhakhaatiirta waa weyn ee dalka kana mid ahaa dadkii fara-ku-tiriska ahaa ee ka qaybqaatay dib u dhiska dalka, waqtigooda ugu badanaana geliyey sidii bulshadeenu u heli lahayd caafimaad taam ah, sidoo kalena ahaa aqoonyahan iyo waxgarad door muhiim ah ku lahaa nabadayntii iyo dib u dhiskii dalkaba.
Waxa uu madaxweynuhu ku tilmaamay tiir ka baxay guud ahaanba shacbiga Somaliland, waxaanu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhammaan Bahda caafimaadka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.”
Dhinaca kalena,  Xisbiga talladda dalka haya ee KULMIYE ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland oo ay ka tacsiyadeeyeen geeridda ALLE ha u naxariistee Agaasimihii Cisbtilaalka Burco Marxuum Dr. Cabdiqaadir Xaaji Muuse (Muruq-liqe), oo 24/09/2014 si heer qaran ah loogu aasay magaaladda Burco oo uu ku geeriyooday.
Sidaasna waxa lagu sheegay Dhambaal Tacsi ah uu galabta soo saaray Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, kaasi oo u dhignaa sidan:-
“Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Mudane Xasan Siciid Yuusuf Isagoo ku hadlaya magaciisa iyo magaca Guddoomiyaha xisbiga , Hoggaanka iyo Guddida fulinta  iyo dhammaanba Goleyaasha xisbiga waxa uu  tasi u dirayaa qoyska, qaraabadda  iyo ummadda reer Somaliland  gaar ahaan shacbiga reer Togdheer  oo uu ka tacsiyadeynayo  geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Dr. Cabdiqaadir Xaaji Muuse (Muruq-liqe) oo ahaa agaasimihii cisbitaalka Burco  oo ku geeriyooday 24/09/2014 Magaalo Madaxda Togdheer ee Burco, isla markaana lagu aasay magaaladdaas, oo ka mid ahaa dhakhaatiirta qiimaha weyn ku leh qaranka iyo guud ahaanba dalka.
Waxaan ILAAHAY uga baryaynaa Marxuumka inuu naxariistii jano ka waraabiyo, shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”
 
 
 

Leave a Reply