Dharaaro Xusuustood

0
922

Waqtigii gumaysigu uu maamulayey Somaliland, waxa caan noqotay aaladda loo yaqaanoBaaskiiladda oo ay shaqaalaha Dawladdu, ajanebi iyo Soomaaliba, waxay ku tagi jireen shaqadda.
 
Baaskiiladaha waxa soo dejin jiray Shirkad la odhan jiray Khawaaje Bis (A. Besse) oo ay Shaqaaluhu hafto ay ku qaadan jireen, iyaga oo laga goynayo mushaharkooda bishii. Baabuurta hadda yaacaysa ee meel laga maro la la’yahay ma jirin waqtigaas, Marxuum Jirde Xuseen ayuun baa lahaa baabuur yar oo carruurtiisa lagu qaadi jiray oo marmar ay ciyaalku tuur-tuuri jireen.
 
Hawada iyo caafimaadka dadkaba, baaskiiladda ayaa u fiicnayd ayey hadda cilmi-yahannadu sheegaan. Waqtigaas waxa ciyaalku aad u xiisanyn jireen inay baaskiiladda bartaan sida loo wado, niman caan ku noqday dhinaca ciyaalka oo Khuurshe iyo Khamriile la odhan jiray ayaa kirayn jiray saacad, saacad baaskiiladaha, kuwa aan lacagta haysan waxa shoog (short time) u dhiibi jiray saxiibadood, si ay sekad uga soo wareejiyaan, marmarna waa la yara goosan jireen.
 
Waxa aan xusuustaa baaskiiladdii uu Aabbahay lahaa ee uu i odhan jiray marka uu shaqa tegeyo: “War bal taayirada ii soo eeg inay buuxaan.” Marka aan soo eego ayaan odhan jiray waa “Gingiman yihiin.” naanays ayaa la iiga dhigay eraygaas. Waqtigii dalka lagu soo guryo-noqday, ayaa marxuun Faysal Cumar Mushteeg ku kaftamay oo yidhi ninkii baaskiilad kaxayan kara ayuun baa reer Hargeysa, wixii kale waa soo galayti.
 
Siyaasaddu iyana shoog ayey leedahay oo xukunka la isugu dhiibo, meel aan shoog la isu dhiibayn xilka dalka la wada joogi maayo. Waa kaa Dr Axmed Ismaaciil Samatar ka soo guryo-noqday Xamar markii Daaroodka iyo Hawiyuhu shoog u dhiibi waayeen. Axmed Cabdi Xaabsade isna waa kaa ka huleelay Somaliland, markii xilalkeeda shoog looga dhiibi waayey. Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa isaga la siiyey shoog xilka Madaxweynaha Somaliland, waxna waa ku darsaday sidii shoogga baaskiilka. Qolo darfayada ah ayaa sugaysaa weli shooggoodii.
 
Baaskiiladda haddii aan hore loo sii socodsiin oo la joojiyo waa kula dhacdaa, dimuqraaqdiyaduna haddii aan hore loo sii socodsiin waa kula dhacaysaa. Somaliland waxa habka xisbiyada badan iyo doorashooyinku oo ah astaamaha dimuqraadiyaddu, ka bilaabmeen sannadkii 2002 ee ay dhacday Doorashadii Golayaasha Degaamadu. Golayaashaas oo waqtiga xilkoodu yahay shan sanno. Maanta oo ah 2014 waxay ahayd in golayaashaasi kuwii marka saddexaad la soo doortay ay fadhiyaan oo xilkoodu uu gabagebo yahay, halka qoladii labaad oo xilkoodu uu bilaw yahay ay hadda joogaan.
 
Sidaas oo kale waxay doorashadii Madaxweynuhu ahayd 2003. Maanta waxay ahayd inuu joogo oo xilka hayo Madaxweynihii saddexaad ee lagu doortay habka xisbiyada badan, halka uu kii labaad ee la doortay uu xilka hayo, halka Golaha Wakiillada kii ugu horreeyey ee la doorto ay weli fadhiyaan, halkaas waxa ka muuqata in ay inala dhacdhacayso dimuqraadiyadu, sida marka baaskiilka haddii aan hore loo sii socodsiin.
 
 
Markii lagu guulaystay aakhirkii, muran badan oo sannad ku dhowaad socday kadib, in la ansixiyo Guddiga Qaranka ee Doorashadda dabayaaqadiii 2007, ayaa waxa iyana dhammaatay muddadii xilka ee Golayaasha Degaanka.
 
Waxay ahayd in doorashadoodu dacdo badhtamaha bisha December. Waxa lagu qasbanaaday in Guurtidu ay ku kordhiso muddada xilkooda lix bilood oo kale ilaa laga gaadhayo bisha July kowdeeda. Hadda akhristaw dastuurku meelna kuma sheegin awoodaas ay guurtidu ku kordhisay xilka Golayaasha Degaamada, hase yeeshee waqti hore ayaa Maxkamadda Dastuuriga ihi fasiraad ay bixisay ku sheegtay mar haddii Dastuurku uu ogol yahay in Guurtidu kordhin karto xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenkiisa iyo muddada xilka Golaha Wakiillada; Golayaasha Qaranka ee kalena waa ay u kordhin kartaa muddada xilka haddii loo baahdo. Fasiraadaas ayey ku dhacday kordhintani.
 
Haddaba markii loo gudbay sannadkii 2008, ayaa waxa dhacday in muddadii xilka ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenkiisu iyana dhammaatay sannadka dhexdiisii. Waxa halkaas ka bilaabmay muran adag oo ka dhex dilaacay xisbiyada mucaaradka ahaa (KULMIYE iyo UCID) iyo UDUB oo xukuumaddu ka soo jeeday.
 
Akaadamiyada oo aan markaas joogay ayaa kulamo u qabatay Xisbiyada iyo Guddiga Qaranka ee Doorashada si ay barnaamij hawleed isula qaataan. Marar kalena gooni, gooni ula kulantay xisbiyada si loo ogaado halka ay ka taagan yihiin arrimaha la isku hayo. Labada qoddob ee lagu murmay waxay kala ahaayeen; 1. Muddo kordhinta Madaxweynaha iyo Golayaasha Degaanka iyo 2- kala horaysiinta qabashada labada doorasho, ta Madaxweynaha iyo ta Golayaasha Degaamada.
 
Waxa qolada UDUB ku adkaysatay in doorashada Golyaasha Degaamadu soo horreyso ,sidii ay markii horeba u kala horeeyeen. Mucaaridku waxa uu ku adkaysanayey oo lahaa war badka soo dhiga doorshadaa kursiga weyn ee Madaxtooyada oo dib u dhiga licib saqiirka kuraasida maayarrada.
 
Markii qoladayadii Akadamiyadu iyo aqoonyahanno nagu xidhnaa aan ka shirnay sidii loo furdaamin lahaa arrimaha la isku hayo ee hortaagan in doorasho la qabto; waxa noo muuqatay inay haboon tahay in aannu xoogga saarno Madaxweyne Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa aannu is tusnay in la qanciyoo keligii oo talada la liqsiiyo.
Waxa kale oo noo caddaatay inay adag tahay in mucaaradka la qancin karo, sidaa darteed waxa aannu “Brain storming” maskax lisid ku samaynay halkii aannu ka geli lahayn iyo sida aannu u qancin lahayn Mudane Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.
 
Waxa dhab ah in mucaardku aannu waxba farha ku hayn mar kasta waxa waajib ah oo talladu iyo wanaagga dalku ku jiraa in Dawladdu islegaddo oo oggolaato tanaasul ,iyada ayaa hadhkii ku jirta ee qolada qoraxjoogtu wax ma hayso.
 
Xaaladda dalka oo kakan iyo qaraxyadii shaaniga oo bilaabmay iyo warbaahinta oo weedho xanafleh la isu marinayo, ayaa aniga, Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) iyo Xasan Cumar Halas oo saddex Agaasime ka ahayn Akaadamiga Nabadda iyo Horumarka; goor fiid ah kula kulannay Mudane Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Qasriga Madaxtooyada. Si fiican ayuu noo soo dhoweeyey, waa wada sheekaysanay. Waxaan u sheegnay in danta dalka iyo dantiisuba ku jirto, haddii la soo horamariyo doorashada Madaxweyaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenkiisa oo ta Golayaasha Degaamada dib loo riixo.
 
Waxa aan ku qurxinay doodayadii, arrin aanu si gaar ah uga sii fikirnay oo ahayd, “Madaxweyne haddii doorashada Madaxweynaha la horreysiiyo iyada oo maayarrada degaamada dalka oo dhami ay UDUB yihiin, waxa kuu dhaw inaad guulaysato, haddiise lagaala wareego maayarrada magaalooyinka dalka waa ay adkaanaysaa inaad ku guulaysato doorashada.” Cabaar ayuu fikiray oo aamusay oo yidhi anigu danta iyo hannaanka wadanka ayaan ka eegayey ee dantayda kama eegin. Hase yeeshee cid ayaan qancinayaa ee ha iga sheegina talladaas.
 
Waxa habeenkii dembe ka dhacay qasriga Madaxtooyada casuumad ay ka soo wada qaybgaleen Madaxda Xisbiyadu oo la isku afgartay in doorashada Madaxtooyada la soo horaysiiyo oo kordhinta loo baahan yahay guurtidu samayso.
 
Laba sanno ka dib ayey doorashadii Madaxtooyadu qabsoontay (2010)oo KULMIYE ku guulaystay.Tii Golayaasha Degaankuna afar sanno ka dib ayey qabsoontay (2012). Boowe, maxaa ku baxay!!
Prof. Maxamed Siciid Gees 

Leave a Reply