Nolosha Wanaagsani Waa Gabadha Wanaagsan

0
882

(Daraasad)
Cilmi baadhis ay sameeyeen koox aqoonyahno laguna daabacay wargeyska Asawaaj ayaa cadaysay in sirta nolosha wanaagsan ee qosyku ay ku xidhan tahay dhaqanka iyo akhlaaqda ay gabadhu leedahay.
Mr.Deibor Kair oo isagu daraasadan qayb ka ahaa ayaa sheegay in wareerka iyo kalsooni la’aanta ku dhacda qoyska ay inta badan ka imanayso dhinaca gabadha, taasi oo ay ugu wacan tahay caadifadda oo ku badan.
Waxa kale oo uu sheegay Mr.Kair in raga inta badan dareenkoodu uu kacansan yahay aanay taasi xidhiidh la lahayn dhinaca dhaqaalaha ee ay tahay mid xidhiidh la leh dhinaca xaaskiisa.
Daraasadan lagu sameeyey qoysas badan ayaa muujisay in nolosha wanaagsan ee qoyska aanay ku xidhnayan dhaqaalaha iyo hantida ay leeyihiin laakiin ay tahay wanaagga gabadha qoyska.
Nolosha wanaagsan ee qoyska ayaa ka soo burqanaysa wanaaga labada qof. Daraasad kale oo oo uu sameeyay Prof. Todd Kashdan oo ka tirsan Jaamacadda George Mason laguna daabacay Wargeyska Personality ayaa cadaysay in dumarka ragooda u mahad naqaa ay ka nolol wanaagsan yihiin kana cimri dheer yihiin kuwa kale ee buuqa badan.  Daraasadan ayaa cadeysay  in dumarku ka awood badan yihiin kagana saamayn badan yihiin raga dhinaca qoyska. Daraasadan ayaa intaasi raacisay inay suurtagal tahay in gabadhu ay nolol fiican oo degan ku noolaan karto marka ay odaygeed si fiican isla jaanqadaan ulan dhaqanto.
Darasadani waxay waafaqday xadiiska Rasuulka ee ah  “ Aduunyadu waa raaxo, raaxadeeduna waa gabadha saalixadda ah “ Muslim.

Leave a Reply