Asqo-Siyaasadeed: Carruurta Cayda Ha Inaga Barina !

0
481

Sanadihii la soo dhaafay waxaa Caado ka noqotay Dalkeena isu Jawaabid, Eedaymo, Aflagaadooyin iyo Cambaarayno ay badiyaa Hawada iyo Warbaahinta isu Mariyaan Siyaasiyiinteena, Mucaaridkeena, Muxaafidkeena, Xukuumad iyo Xisbiyoba, iyada oo sidoo kalana  ay wax Caadi ah iska noqotay in Odayaal Dhaqameedyada qaarkood ay iyaguna si joogto ah intay Warbaahinta usoo hor fadhiistaan  ay ku  hadlaan wax kasta oo markaas Maskaxdooda ku soo dhaca ee Eed ama Tabasho ah ee ay Jeedinayaan. Laamaheena Warbaahinta ayaa iyaguna intay sii balbalaadhiyaan oo ay sii buunbuuniyaan ayay Mashriq iyo Maqrib ka ridaan, iyaga oo  Aflagaadooyinka iyo Cayda tirada  badan ee kuwa isu jawaabaya afkooda ka soo  burqanaysa  aan wax Tafatir ah ku samayn ee sii faafiya, waxaana Caydaas iyo Ceebahaasi ay si toos ah u gaadhaa Carruurteena iyo Dhalinyaradeena  oo  maalin kasta ka Daawada Telafishinadeena, kana akhrista  Jaraaidkeena iyo Shabakadaha Internedka, taasoo dhaawac weyn u geysanaysa Dhaqanka Suuban iyo Edaabta fiican ee aynu doonayno inaynu ku barbaraarino Ubadkeenka iyo Dhalinteena.

Waxaad maqlaysaa Hebel baa Hadlay!  Iyo Hebel oo u Jawaabay,  Mid hadlay iyo mid ka daba hadlay, iyada oo kii hadlaaba uu ku dedaalayo inuu kii hore ka hadalo adkaado oo uu Canbaarayn xooggan iyo dhaliilo lafo-jebis ah dusha uga tuuro, waxaaba Caado noqotay beryahan danbe in qofba- qofka  uu ka Cayda badan yahay ama ka Afmiishaarsan yahay ama uu ka dhaliil badan yahay uu ka Caansan yahay loona yaqaan Siyaasi ama Aftahan aan la loodin, taasina ay dhaliso inuu meelo badan uga galaangal bato Muwaadiniinta Akhlaaqda iyo Edaabta badan ee iyagu Aamusan.

Leave a Reply