“Xabaalaha Boqol Jire Waxay U Baahan Yihiin Gurmad Dadweyne”

0
510

Hargeysa(Dawan)- Xabaalaha Boqor Jire ee  dhinaca galbeed ee caasimadda Hargeysa,ayaa qarka u saaran in ay gabi ahaanba  noqdaan doox biyo mareen ah oo ay dumaan dhammaantood,  waxaana imika socda dedaal la doonayo in lagu badbaadiyo xabaalaha Boqol Jire ee Hargeysa oo ay ku aasan yihiin kumanaan ka mid ah dadkii reer Hargeysa loona baahan yahay in la badbaadiyo xabaalahaas.

Injineerka  Dawladda Hoose Hargeysa  oo  u waramayay wargeyska DAWAN, ayaa tilmaamay in hadda ay ku gudo jiraan sidii xabaalahaa loo badbaadin lahaa isla markaana looga duwi lahaa daadka,  waxaanu intaa ku daray in ay ku aasan yihiin dadkii lahaa magaca iyo milgaha ku lahaa  reer Hargeysa, loona baahan yahay in la badbaadiyo oo xabaalahaasi intaanay dumin wax laga qabto.

“Waxay xabaalaha Boqol Jire u baahan yihiin gurmad dadweyne oo deg deg ah,haddii uu caawa roob yimaaddo wuu wada qaadayaa oo waxay noqonayaan doox,waxaana loo baahan yahay in aynu badbaadino qabuuraha waalidiinteen,”ayuu yidhi Eng C/khadar Cabdilaahi Cali oo ah muhindiska  dawladda Hoose ee caasimadda Hargeysa waxaanu intaa ku daray isagoo hadalkiisa sii watay “Imikaba wey jiraan dad wax ku balan qaaday,  laakiin waxay u baahan tahay badbaadinta xabaalaha Boqol Jire ugu yaraan 160 kun oo Doolar, markaa illaa lacagta oo dhan la wada helo lama sii bilaabi karo. markaa waxaan u soo jeedinayaa dadweynaha reer Hargeysa guddo iyo dibadba in ay ka qayb qaataan badbaadinta xabaalaha Boqol Jire,Dawladda Hoose waxay ballan qaaday in ay gaarkeeda u qaadato biyo ka duwidda oo hawl weyn ah dad lacago ballan qaadayna way jiraan waxaanan ka codsanaynaa in ay ku soo hagaajiyaan laba bog xisaabeed  oo aanu badbaadinta Xabaalaha u samaynay waxaana gacanta u haya guddi culimo ah oo uu Sheekh Aadan Siiro ka mid yahay.” Akoonada badbaadinta Xabaalaha boqol Jire ayaa kala ah.Dahabshiil HRGD 43199, Salaama Bank 60108085. Hadaba waxaa laga codsanayaa dadka wax ku darsanaya badbaadinta xabaalaha Boqol Jire in ay labadaa akoon ugu soo hagaajiyaan waxay ugu tabarucayaan.

 By:Faysal Xiis Weerar(Afgaab)

Leave a Reply