Faa’iidooyinka digirta

0
2988

5 Faa’iido oo kugu qasbaya in aad biloowdo cunista joogtada ah ee Digirta
 
Digirta oo marka la kariyo Soomaalida qaarkood u taqaano Canbuulo, waxaa lagu sheegay faa’iidoyin cajiib badan oo caafimaadka iyo horumarka jirka bini aadimka qeyb weyn ka qaadata.
Waloow ay Soomaali badan caado u tahay cunista digirta isla markaana ay dalaga ay beertaan ugu horeyso, halka qaar kalena ayba dhankooda caay ka tahay, hadana waxaa lama huraan ah in bulshadu ogaato loona iftiimiyo faa’iidooyinka qarsoon ee digirtu leedahay, hadii uu qofku ogaan lahaana uu joogteyn lahaa ugu yaraan isbuuciiba 3 jeer.
Hadaba warbixintaan oo ah daraasad caafimaad isla markaana aan kasoo xiganay wargeyska livestrong.com ayaan isku dayi doonaa in aan soo koobno wax yaabaha ugu muhiimsan uguna faa’iidada badan ee digirtu u leedahay dadka daneeya caafimaadkooda iyo horumarka noloshooda.
1- Digirta waxaa ku jira Vitamins iyo Minerals kuwaasoo ah laba shey oo ka mid ah rukniyada jirku ku shaqeeyo, waxaa gaar ahaan digirtu qani ku tahay Vitamine B, kaasoo dhiiga cas iyo hagaajintiisa qeyb weyn ku leh.
2- digirtu waxay qani ku tahay {fiber} oo ah baalka kaas oo howlihiisa ay kamid yihiin isku socodka iyo qaybinta jirka cuntada qofku cuno
3-  digirtu waxay sidoo kale qani ku tahay protein taas oo macnaheedu yahay inad digirta ka helayso protein kugu filan adigoon baruur ka cabana ama aan misaankagu aad u kordhin
4-  digirtu waxay  si buuxda u buuxin kartaa booska khudaarta iyo sidoo kale hilibka
5- digirtu waxay yaraysa buurnaanta siyaadada ah waxanay badisaa ganka caloosha iyo misaanka hilika duuban ee muruqyolayda jidhka.

Leave a Reply