Wasiirro Dubai Kula Shiray Shirkadaha Sahaminta Shiidaalka Ka Wada Somaliland

0
448

Dubai (Dawan):  Wefti  Wasiirro ah oo ka  socday dawladda Somaliland ayaa shalay shir kula yeeshay magaaladda Dubai  ee  dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta masuuliyiin ka socday afar  shirkadood oo  sahamin  dhinaca shiidaalka ah ka wadda deegaamo ka tirsan goboladda Somaliland.
Wasiirradan ka socday Somaliland ee shirka la yeeshay shirkadahani  ayaa  kala ahaa Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran Cade iyo Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale.
Waxaana  la sheegay in shirkani ay la yeesheen Wasiirradu shirkadahaas  inuu la xidhiidhay  sidii sharaai’gaasi  iyo xukuumadda Somaliland ay iskula meel dhigi  lahaayeen ciidamadda gaarka ah ee loo samaynayo ilaalinta amaanka shaqaalaha ajanabiga ah ee shirkadaha  u shaqaynaya.
Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale, oo warbaahinta la hadlay   ayaa  faahfaahin ka bixiyay ujeedada kulankaasi iyo waxyaabihii ay kaga wada hadleen, Waxaanu yidhi  “Socdaalkayagu waxa uu ahaa in aanu la shirno shirkadaha Somaliland ka wada  shiidaal baadhista.  sababta aanu ula shiraynaana  waxa weeye  waxay sugayeen in la aasaaso ciidanka ilaalinta sahaminta shiidaalka ee loo yaqaano (OPU) oo ay doonayeen in aanu warbixin ka siino.  Wasaaradda arrimaha gudaha oo iyadu masuuliyadaa  leh oo ay muhiim noqotay in Wasiirku isoo raaco oo arrimaha kale ee ku saabsan sahaminta shiidaalka in aanu ka warbixino  dawlada ahaan halka ay marayso ayay u jeedadda socdaalkayagu ahayd. Markaa afartii shirkadood ee sahaminta ka waday dalka ayaan la shirnay.  Waxaananu kula shirnay magaaladda  Dubai oo aanu kulan  kula qaadanay maanta (shalay).”
 
Sidoo kale Wasiirka arrimaha  gudaha Cali Maxamed Waran Cade,  ayaa waxa uu tilmaamay in  shirkadihii ay la kulmeen   u cadeeyeen   in Somaliland diyaar u tahay in ay u samayn doonto wax kasta oo ay uga baahdaan gaar ahaanna  dhinaca nabadgelyada.  waxana uu yidhi “Waxaanu halkan kula kulanay 4 shirkadood oo ka mid ah shirkadaha sahaminta shiidaalka ka wada dalka, iyada oo ay muuqato in caalamku aad u doonaynayo, una  soo jeedo  sidii loo soo saari lahaa shiidaalka Somaliland. Markaa shirkadahan  waxaan doonaynaa in aan u sheegno in Somaliland diyaar u tahay in ay u samayso wax kasta oo ay uga baahdaan Somaliland, khaas ahaan dhinaca nabadgelyada, waxaanad la socotaan in dhawaan madaxweynuhu abuuray ciidanka ilaalinta sahaminta  shiidaalka,  oo runtii dhawaan uu ku dhawaaqay  Unugaasina (ciidamadda) waxa weeyi  mid loogu tallo-galay in uu ilaaliyo habsami u socodka sahaminta shiidaalka ee ay waddaan shirkadaha ajaanibka ah.”
Wasiir Waran Cadde, waxa kale oo uu sheegay in ciidamadda gaarka ah ee la doonayo in loo sameeyo ilaalinta amaanka shirkadaha samahinta shiidaalka in laga soo kala xuli doono ciidamadda qaranka iyo booliska, isla markaana ay hoos imanayaan waasaaradda daakhiliga.
“Ciidankaasina ma aha ciidan afraad,  ee waa ciidan laga  soo xuli doono ciidamadda qaranka iyo booliska,  waxaana ay  hoos iman doonaan wasaaradda arrimaha gudaha, waxa kale oo  aanu kala hadalnay sidii ay ugu soo dhiiran lahaayeen Somaliland ama waxyaabaha ay uga baahan yihiin baadhista shiidaalka in aanu u balan qaadno,  ayaan ka wada hadalnay,” ayuu yidhi Wasiir Waran Cadde.
By: Khadar M. Dhako
dawannews Hargeysa office

Leave a Reply