Halista Daawooyinka Dumarku Isku Caddeeyaan!

0
440

MINNEAPOLIS:- Baaritaan Caafimaad oo laga sameeyey Daawooyinka ama Kareemada ay isku caddeeyaan Dumarka Soomaaliyeed ee Maraykanka ku nool, ayaa waxaa lagu ogaaday in uu yahay mid aad u halis ah. Baaritaankaan Caafimaad ayaa waxaa loo gudbiyey, Laamaha qaabilsan Caafimaadka, sida Wasaaradda Caafimaadka ee Minnesota (Minnesota Department of Health).
Waxaa baaritaankaan Caafimaad sameeyey, Amira Adawe iyo Charles Oberg. Waxaa Baaritaankaan lagu sheegay Dumarka Soomaaliyeed in ay isticmaalaan Daawooyinka halista Caafimaad leh ee la isku caddeeyo oo kala ah,
 1- Lemon
2- Herbal Whiting Cream,
3- Lulanjina,
4- Diana
5- and Dermovate.
Waxaa baaritaanka Caafimaadka lagu sheegay, Haweenka Isticmaala Daawooyinkaan, haddii ay Ilmo yar Naaska nuujinayaan in ay dhici karto in Xididada Dhiigga qaada ay Daawadu raaci karto oo Ilmaha Naaska nuugaya uu halis Caafimaad gali karo, sida in uu Geeriyoodo ama Dhinto!.
Waxaa Daawooyinka la isku caddeeyo ku jira, Maaddo halis ah oo la yiraahdo (Organic Mercury), Laamaha Caafimaadka Maraykanka, sida Minnesota, Canada iyo Wadamada Yurub ayaa la sheegay in ay joojiyeen Daawooyinka la isku caddeeyo ee wata Maaddada aan sheegnay ee halista ah!.
Laanta Caafimaadka Minnesora ayaa oga digtay, Dadka, gaar ahaan Haweenka Soomaaliyeed in ay isticmaalaan, Daawooyinka ay ku jiraan 7 Walxood oo halis ah. Waxayna sheegeen in Caruurtu haddii ay cunaan ay u dhiman karaan!. Baadhitaankaan Caafimaad ayaa laga sameeyey, Gobolada kala ah, Minnesota, California, illinois, Chicago, New York iyo Gobole kale.
 
Dumarka Daawooyinka Halista Ah Marsada Oo Mustaqbalka Jirkoodu Burburayo Ama Bolal Noqonayo!.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in dhammaan Suuqyada Minnesota laga joojiyey, Daawooyinka halista ah ee la isku caddeeyo, isla markaana ay tahay Sharci daro in laga ganacsado ama laga iibsado Onlineka!.
Daawooyinkaan ayaa warbixinta lagu sheegay in laga keeno ama lagu sameeyo, Wadamo kamida Qaaradda Asia.
{The FDA issued a consumer alert about skin-lightening products.5 The alert warned that infants and small children might be exposed to mercury if they touched parents who have used these products, got the cream on their hands and then put their hands and fingers into their mouth)
“Waaxda Caafimaadka Minnesota, ayaa Dadka digniin ku siisay in ay joojiyaan isticmaalka, waxa loogu yeeray (Product 7), Sanadkii 2012. Sidoo kale Laanta Cunnooyinka FDA ayaa ka digtay (Product5), waxayna sheegeen haddii Waalid Daawooyinkaas marsaday ay ku jirto Maadada halistaa ee (Mercury) isla markaana uu gacmihiisa ku taabto Ilma yar oo Ilmaha yar jidhkiisa ay gaadho isla markaana uu Afkiisa lagalo Ilmaha yar gacantiisa in ay halis tahay kuna dhiman karaan caruurtu
Warbixinta waxaa lagu sheegay in laga Isticmaalo Daawooyinkaan Qaaradda Afrika, ma’ahan markii ugu horaysay oo Laamaha Caafimaadka ay ka digaan halista Daawooyinka Dumarku isku caddeeyaan, haddaba oga dig, Qoyskaaga, Walaalahaa iyo Gabdhaha Muslimaadkaa, halista ay leedahay isticmaalka Daawooyinka ay ku jiraan Maadada halista ah ee (Mercury).
 

Leave a Reply