Madaxweyne Siilaanyo Oo Amar Ku Bixiyay In Sharciga Lagu Fuliyo Askarigii Shalay Dilay Taliyihii Booliska Arabsiyo

0
483

Hargeysa (DAWAN)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa amar ku bixiyay in deg-deg sharciga loo horgeeyo askarigii shalay toogashada ku dilay Taliyihii Saldhiga Booliska Arabsiyo Marxuum- Cabdi Cismaan Xaaji Cali (Cabdi-case).Askarigan dilka geystay oo la yidhaahdo Mawdllid Maxamed  Suudi,  ayaa Taliyahaasi ku toogtay gudaha magaaladda Gabiley oo la doonayay in lagu xidho, hase yeeshee ciidammadda ammaanka ayaa gacanta ku dhigay askarigaas.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in ciidammadda qalabka sida ee dalku u taagan yihiin sharafta iyo haybadda qaranka, cidii dhaawacda ama dishaana ay ku xad-gudubtay sharaftii qaranka,waxaanu madaxweynaha Somaliland sidaasi ku sheegay dhambaal tacsi ah oo uu shalay-galab soo saaray oo uu qoyskii, qaraabadii, ciidanka booliska iyo shacbiga Somaliland-ba kaga tacsiyadeeyay dilka sarkaalkaas geeriyooday.
 
Dhambaalkan tacsida ahaa oo uu na soo gaadhsiiyay Afhayeenka Madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, waxa uu u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Ciidanka Booliska Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Taliyihii saldhiga Booliska ee Degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley, Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Cali (Cabdi-case) oo u geeriyooday toogasho uu u geystay askari ka mida ciidamadii uu xukumayey ee Saldhiga Arabsiyo, kaasi oo gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglihii falkaasi geystay.
 
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ciidamada qalabka sidaa ay u taagan yihiin sharafta iyo haybada qaranka, cid kasta oo dhaawac ama dil u geysataana ay ku xad-gudbayso sharaftii qaranka ee uu huwanaa, waxaanu intaasi ku daray in Askariga dilkaasi geystay sharciga deg-deg loogu fuliyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.” Geesta kalena, Sarkaalkaasi ayaa shalay galab  cisbitaalka guud ee Hargeysa ugu dhaawac dhintay xabadii ka askarigu ku dhuftay.Taliyaha Ciidanka  Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa  sheegay in ciidanka Boolisku ay gacanta ku hayaan isla markaana sharciga la horgeyn doono, waxaanu tilmaamay in isla shalay-ba ay maxkamadda ciidammadda qalabka sidaa u fadhiisatay gudo-galka dilkan.
Taliye   Cabdilaahi Fadal Iimaan, waxa uu tacsi u diray qoyskii, qaraabadii iyo ciidanka Booliska Somaliland oo uu ka tacsiyadeeyay geerida  sarkaalkan la dilay Marxuum- Cabdi Ismaaciil Cali(Cabdi Case), waxaanu ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskiisii iyo ciidanka Booliska ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.Geesta kale Taliyaha dhintay ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasi doonaa magaaladda Hargeysa.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply