Kalluumeysigu waa nooc ka mid ah Ugaadhsiga

0
500

Sida laga warqabo Kalluumeysiga waxay dadku barteen kadib Ugaadhsiga dhulka, waana nooc ka mid ah ugaadhsiga. Tan iyo maalintii la billaabay Kalluumeysiga, waxaa isbeddelayay qalabka iyo habka loo kalluumeysto intaba. Sidaa darteed, cuntada Adduunka waxaa qeyb weyn laga soo saaraa baddaha oo laga Kalluumeysto.
Badweynada, baddaha iyo harooyinka waxay ku fadhiyaan 71% Maabka Adduunka, waxaana jirta in sida dhulku ugu kala carrosan yahay badduhuna ugu hodansan yihiin Kalluunka.
Meelaha Kalluumeysiga ugu muhiimsan yahay, uguna hodansan yahay waa labada baddood ee Attlantic iyo Pasific, gaar ahaan. Waqooyi galbeed iyo waqooyi bari ee Attlantic, iyo Waqooyi Galbeed & Waqooyi bari ee Pacific, goobahaana waxay noqdeen xarumaha Kalluunka Adduunka.
Noocyada Kalluunku waxay ku xiran tahay heerarka biyaha badaha, waayo biyaha badaha kulaalayda waxaa ku nool noocyo fara badan oo Kalluun ah, meelaha dhexdhexaadka ah waxaa jooga jinsiyo yar.
Kalluunku, wuxuu guud ahaan u kala baxaa laba nooc, oo kala ah: –
1. Duljoogeyaal, oo oogada biyaha ku soo dhow, iyagoo maraya jidad mucayin, waana 25% Kalluunka la dabto.
2. Hoos joogeyaal oo ku dhow gunta baddaha guntooda gaaban tahay.
Kalluunka baddeena ku jira ee ay dabtaan Kalluumaysatada Soomaalidu waxay u badan yihiin nooca hore ee duljoogaha ah oo ay kamid yihiin Tabadinka iyo Taraaqada.
Kalluumaysatada Soomaalidu ma haystaan doonyo iyo Maraakiib casri ah ee Kalluumeysiga, oo badweynta gunteeda fog wax ka soo jillaabi kara, sida kuwa Waddamada horey u maray, oo si aad ah u bartay dheefta iyo waxtarka badda.
Baddu waa beer aan kaa rabin waraab iyo Abuur, oo maalin walba aad iska guranayso Kalluunkeeda, waxayna kaaga baahan tahay oo keliya Aqoon, Farsamo iyo Qalab casri ah ee lagu soo saaro Kalluunka gun iyo baar intaba.
Waxaa nasiib darro ah in Soomaaliya oo leh Xeebta ugu dheer Afrika, marka laga reebo Koonfur Afrika in ay ka ooman tahay Kheyraadka ku jira Baddeeda, gaar ahaan Kalluunka noocyadiisa kala duwan.
Sidaa darted, waxaan Shacbiga Somaliland, u soo jeedinaynaa inay u soo jeestaan ka faa’iideysiga Baddooda, lana tartamaan Bulshoweynta Caalamka ee Baddaha leh.

Leave a Reply