Cunto Yaraanta Afrika oo Loo sababeeyey Camuudda oo Xumaatay

0
404

Warbixin cusub oo ay soo saareen isbaahaysiga kacaanka doogga ah ee Qaaradda Afrika ( Alliance for a Green Revolution in Africa) ayaa sheegaysa in xilli in badan oo beeralayda kale ee caalamka ahi ay halkii Hiktar ka goostaan shan Ton oo Gallay ama hadhuudh ah ay Beeralayda Afrikaanku halkoodii Hoktar ee dhul beereed ah ay ka goostaan oo keliya Hal ton oo gallay ah.

Ibaahaysigan oo xaruntoodu tahay Magaalada AGRA ee Dalka Ghana waxay cambaareeyeen hanaanka beerasho ee loo maamulo dhulka qaaradda afrika ku yaalla, kaasoo keenay inay camuuddu noqoto mid aan nafaqo badan lahayn, waxayna cunto yarida afrika ka taagan u sababeeyeen ciidda la beeranayo oo ah mid tayadeedu liidato.

Green Revolution waxay warbixinteeda ku dartay in xilli beeralayda qaaraddu halgan ugu jiraan inay soo saaraan cunto ku filan dadweynaha qaaradda ee maalinba ta xigta tarantoodu sii kordhayso ay hadana dalal badan oo qaaradda weli ka jirto cunto yaraan heerkeedu sareeyo, waxayna ku adkaysanayaan in hanaanka liita ee wax loo beertaa uu sababay inay camuuda wax laga beeranayaa noqoto mid tayadeedu liidato.

Xidhiidhiyaha hay’adda AGRA soil health Abed Kiwia waxa uu sheegay in ururkoodu isku deyayo inay horumariyaan mabaa’diida aasaasiga ah ee beerashada si kor loogu soo qaado nafaqaynta camuudda oo ay cunto badanina uga soo baxdo

AGRA soil health waxay tababaro siisay in ka badan 3 Malyuun oo beeralay afrikaan ah kuwaasoo ku kala nool ilaa 13 wadan oo qaaradda ah.

Leave a Reply