Kongo: Maleeshiyaad la dhaqan celinayey oo macaluul ugu dhintay

0
381

In ka badan Boqol xubnood oo ka mid ah maleeshiyaad lagu dhaqan celinayey xero ku taalla Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo ayaa macaluul ka timid cunto xumo ugu dhintay xero millateri oo ku taalla dalkaasi.

Xukuumadda ayaa la sheegay inay maleeshiyaadkaasi ku haysay xerada KATAKOLI oo dhacda waqooyi galbeed wadankaasi in ka badan sadex bilood iyadoo ka gaabisay inay halkaasi gaadhsiiso cuntooyinkii lagama maarmaanka ahaa iyo daryeelkii caafimaad ee ay u baahnaayeen.

Qiyaastii sagaal boqol loo maleeshiyaadkii  la dhaqan celinayey ah iyo qaar ka mid ah qaraabadooda ayaa loo diray xeradaasi si ay ugu qalmaan inay safafka millateriga ku biiraan ama ay u noqdaan dad rayid ah oo leh farsamooyin ay ku shaqaystaan.

 

Wasiirka difaaca ee dalka jamhuuriyada Dimuqraadiga ee KONGo Mr Alexandre Luba Ntambo oo arinta wax laga weydiiyey waxa uu sheegay in dib u dhac ku yimid maalgelintii looga baahnaa dhaqan celinta maleeshiyaadkaasi ay keentay in dhibaato dhacdo, isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi: “annagu ma aanaaan go’aansan in dadkaasi aadaan hoy ay ku gaajoodaan  sidoo kalena lama doonayn in la daawado iyagoo gaajo u dhimanaya, laakiin waxa aanu dhibaato kala kulanay sidii aanu u heli lahayn xanaanayntoodii aasaasiga ahayd”, waxana uu intaa ku daray inay baadhitaan ku samayn doonaan waxa ka dhacay xeradaasi.

Inta badan maleeshiyaadka halkaa ku tabaalaysani waxay ka soo jeedaan jabhadii M23 oo ay bishii Novembar,2013 dagaal ku jebiyeen Ciidamada dawlada oo gacan ka helaya ciidanka nabad ilaalinta qaramada midoobay ee dalkaasi ka hawlgelaya.

 

Leave a Reply