Dhinacyadii Isku Hayey K/Sudan Oo Dhisaya Dawlad Federal Ah

0
412

Urur Goboleedka IGAD ee gacanta ku hayey hawsha dib u heshiisiinta K/Sudan ayaa maalintii Khamiista waxay ku dhawaaqeen in dhinacyadii siyaasadeed ee ku dagaalamayey Jamhuuriyadda K/Sudan ay hadda ogolaadeen inay dhistaan Dawlad Federal ah.
Dhexdhexaadiyayashu waxay sheegeen in aan weli heshiis laga gaadhin xiliga dawlada Federal-ka ah laga yagleeli doono wadankii ugu dambeeyey ee caalamka ku soo biira, iyadoo Mucaaradku doonayeen in si degdeg ah heshiiska fulintiisa loo gudo galo, balse xukuumadu dalbatay in la siiyo muddo 13 bilood ah oo ay shaqayso xukuumad loo dhan yahay oo ku meel gaadh noqon doonta taasoo dhowaan laga dhisi doono dalkaasi.
Dhibaatada siyaasadeed iyo ta amni ee ka taagan jamhuuriyadda K/Sudan ayaa bilaabmay bishii December ee sanadkii tegay markii Xukuumadu ku eedaysay Madaxweyne ku xigeenkii hore inuu diyaarinayey inqilaab, xiligaa waxii ka dambeeyeyna dagaaladii dhexmaray labada dhinac waxaa noloshooda ku waayey kumanaan ruux.

Leave a Reply