Mudaneyaal Taageeraya Madaxweyne Kenyatta

0
427

Xildhibaanada reer Kenya ayaa isku diyaarinaya inay tagaan magaalada Hague si ay u taageeraan madaxweyne Uhuru Kenyatta oo maxkamada caalamiga ee danbiyada ee ICC la soo hor istaajinayo toddobaadka danbe.
Mr Kenyatta ayaa waxaa lagu eedeynayaa inuu qabanqaabiyay xasuuq loo geystay dad reer Kenya kadib doorashadii 2007-da.
Mr Kenyatta ayaa beeninaya eedeymaha. Dacwadiisa ayaa la daahiyay dhowr cadayn la’aan awgeed.
Dacwadda oo la qaban doono siddeeda Oktobar, ayaa waxaa lagu sheegi doonaa taariikhda ay bilaaban doonto dacwadda.
Marqaatiyayaashii dacwad oogayaasha ayaa ka baxay dacwadda, bishii September, ICC ayaa go’aan ku gaadhay inay dacwadda dib  u dhigto, kadib markii dacwad ogayaasha ay sheegeen in dowladda Kenya aysan soo dhiibin waraaqo muhiim u ah dacwada.
Qareenada Mr Kenyatta ayaa sheegay in dacwadda la joojiyo sababtoo ah lama hayo cadaymo.
Waxay kaloo maxkamada waydiisteen in laga maarmo madaxweyne Kenyatta dacwadda siddeeda Octobar, sababtoo ah waxa uu  ku leeyahay hawlo Uganda.
ICC ayaa diiday codsiga, iyadoo sheegtay in waxa laga hadlayaa ay joogaan waqti muhiim ah oo ay la xidhiidhaan qofka la dacwaynayo iyo dhibbanayaasha.
Dhowr xildhibaano iyo taageerayaasha Mr Kenyatta ayaa codsaday dal ku gal (viso), iyagoo rajaynayaa inay u socdaalaan Hugue si ay u taageeraan madaxweynahooda.
“Tani ma aha dacwad Uhuru Kenyatta” ayuu dhahay xildhibaan Moses Kuria. “Maanta wuxuu yahay madaxweyne wuxuuna matalayaa waddan madaxbanaan, marka waa madaxbanaanida waddankiisa waxa saaran maxkamadda”.
Sida ay sheegayso wakaaladda Associate Press, Mr Kuria ayaa sheegay inuu yahay xildhibaankii sagaashan iyo afraad ee Viso dalbado.
AP, ayaa sheegaysa in uu sheegay xildhibaanka inuu sugayo 150 xildhibaano inay u duulaan Hague toddobaadka danbe.
Mr Kenyatta ayaa la doortay 2013-kii inkastoo loo haystay eedeymaha. Dadka ka faalooda arrimaha siyaasada Kenya ayaa sheegaya inuu dacwada ka dhigay mid lagu faragalinayo madaxbanaanida Kenya.
Doorashadii 2007, Mr Kenyatta wuxuu taageerayay madaxweyne Mwai Kibaki, oo loo magacaabay inuu ku guulaystay doorashadii sanadkaas, inkastoo uu Raila Odinga oo la tartamayay uu sheegay in musuqmaasuq uu dhacay.
Muranka ayaa isla markiiba isku badalay dagaal, iyadoo la beegsaday qabiilo, iyadoo qabiilka Kikuyu oo ay ka dhasheen Kenyatta iyo Kibaki ay isdileen qabiilada kale.
Mr Kenyatta ayaa lagu eedeynayaa inuu qabanqaabiyay koox Kikuyu ee Mungiki inay weeraraan kooxaha kale ee ka soo horjeeda.
 

Leave a Reply